Madaxweyne Gaas oo u ambabaxay Muqdisho Warbixin

gaasMuqdisho (NN) 28/05/2016

Madaxweyne Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminyo ayaa maanta oo Sabti ah u ambabaxay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka.

Safarka madaxweyne Gaas ayaa la xiriira shir madaxda Soomaalida uga furmaya Muqdisho, oo ay uga hadlayaan qaabka doorashada loo qabanayo, maadaama madaxdu ku heshiiyeen go’aankii uu madaxweyne Xasan Shiikh kasoo saaray doorashada.

Waxaana sidoo kale shirka ka qayb gali doonta madaxda maamul goboleedyada dalka iyo dowladda fadaraalka, waxayna isla meel dhigi doonaan Jadwalka doorashada ee sanadka lagu galayo.

Shirka ayaa furmi doona maalmaha soo socda, waxaa la filayaa in wixii kasoo baxa lagu saleeyo doorashada.

Dhawaan ayey ahayd markii madaxda dowladda fadaraalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay shir ay uga hadlayeen doorashada ku yeesheen Muqdisho, kaaso dhaliyey muran uu qayb ka ahaa Baarlamaanku, isagoo markii dambe uu madaxweyne Xasan Shiiku Go’aan kasoo saaray.

Comments are closed