China: Shirkad raali gelin ka bixisay Xayeysiin Cunsuri ah oo ay telefishinka kasii deysay

chinaChina (NN) 29/05/2016

Shirkada laga leeyahay dalka China ee Shanghai Leishang Cosmetics ayaa raali gelin kasoo saartay xayeysiin cunsuri ah oo ay telefishinada ku baahisay oo muujinaya Nin madow oo astaan looga dhigay wasakh la dhaqayo kadibna isu bedalaya nin nadiif ah oo Chinees ah.

Xayeysiintan ayaa markii ugu horeysay laga siidaayey telefishinada China bishii Maarso, balse waxay si weyn usoo shaac baxday kadib markii lagu baahiyey baraha internetka isla markaana ay sii qaateen warbaahinta caalamka oo ay ku jiraan kuwa dalalka Afrika.

Muuqaalkan ayaa si weyn loogu cambaareeyey baraha internetka, iyadoo lagu tilmaamay shirkada soo saartay mid cunsuri ah oo astaan uga dhigaysa dadka madow inay yihiin wasakh ama wax aan nadiif ahayn, xayeysiintan ayaa ah mid kamid ah daawooyinka dharka lagu dhaqo oo ay shirkadaasi soo saarto.

Shirkadan oo bilihii lasoo dhaafay ka aamusneyd cambaareynta uga timid caalamka ayaa markii ugu horeysay soo saartay raali gelin, isla markaana sheegtay in ay joojisay baahinta xayeysiintan.

Hase yeeshee shirkadan China laga leeyahay ayaa ku eedaysay warbaahinta Caalamka inay buun buuniyeen arrintan oo ay xayeysiintan aysan wax lug ah ku lahayn cunsurinimo.

Xayeysiin-China-Cunsuri

 

“…Waxaan muujineynaa sidaan uga xunahay wixii dhibaato ah oo ay xayeysiintan u geystay shacabka Afrika oo ay sii baahiyeen warbaahinada qaarkood…” ayaa lagu yiri qoraalka shirkadan.

Comments are closed