Shir looga hadlaayo doorashada 2016 oo Muqdisho ka furmay

muqishoMuqdisho (NN) 29/05/2016

Waxaa maanta oo Axad ah ka furmey magaalada Muqdisho shir ay isugu yimaadeen Hoggaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, shirka ayaa daba socda shirarkii hore ee looga hadlaayey doorashada 2016.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada si rasmi ah uga furay Madasha Wadatashiga hoggaamiyeyaasha qaranka ee ay ku mideysan yihiin hoggaanka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Mudane Xasan Shiikh ayaa digreeto ku meelmariyey heshiiskii 12 Abril ay hoggaamiyaashu gaareen kadib markii Baarlamaanku ku fashilmey in ay meel-mariyaan, waxaana loo gudbey wejiga labaad oo ah in laga hadlo qaabka farsamo, dhismaha guddiyada doorashada iyo kan xalinta khilafaadka, sidoo kale waxaa laga hadlayaa jadwalka doorashada, waxaana dhici karta in mudada lagu daro 60 maalmood.

Sida wararku sheegayaan waxaa ajandaha mar kale lagu soo daray dooda ka taagan aqalka Sare ee lagu jaangooyey Dowlad Goboleedyo in 54 Xildhibaan ku yimaadaan, iyada oo gobolka Banaadir oo aan ka mid ahayn Dowlad Goboleedyadu uu saami ka doonayo.

Shirka waxaa fadhiya Madaxweynaha, raysalwasaaraha iyo hoggaamiyaasha maamul goboleedyada.

Comments are closed