DAAWO: Danjire Max’ed Cali Ameeriko oo lagu soo dhaweeyay Minneapolis, Minnesota

ali americaMinnesota (NN) 30/05/2016

Safiirkii hore ee Somalia u fadhiyay Kenya, Maxamed Cali Americo ayaa xalay lagu soo dhaweeyay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Mareykanka oo uu soo gaarsiiyay ololaha socdaalka nabada oo uu kasoo bilaabay Somalia, kuna soo maray dalal badan oo caalamka ah oo ay ku noolyihiin dibad-joog Soomaaliyeed.

Danjire Americo, ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed uga Warbixiyay Xaaladda Guud ee dalka soomaaliya, gaar ahaan dadka danyarta ah, isagoo sheegay in Dalkeennu u baahan dadkiisa meel kasta oo ay joogaan, aysanna jirin cid kale oo u maqan.

“Waxaan leennahay Dhul barwaaqo ah oo innaga badan – oo wax walba ay u Dhameystiran yihiin, Waana inaan ka faa’iideysannaa Barwaaqadaas” ayuu yiri Maxamed Cali Ameeriko oo intaas raaciyay. “Shacabka Soomaaliyeed waa inay heshiiyaan si loo helo nabad aan dib dambe loo waayin”

Danjire Americo, ayaa xusay inay muhiim tahay in la helo isku tanaasul, isku dulqaadasho iyo is cafin. “Waxaan Aamin-sanahay Soomaalino” ayuu sii Raaciyay. isagoo Tilmaamaya muhiimadda ay leedahay is-cafinta ayaa xusay inuu caafiyay ninkii dilay gabadhiisa 1992.

Sidoo kale wuxuu Safiirku taabtay arrinta ammaanka iyo dhismaha ciidan Qaran. “Waxaan ku baaqayaa in ciidankeenna la tayeeyo laguna tababaro gudaha dalka si ay ammaanka iyo Xasilloonida u soo celiyaa, sidaas oo kale waa in la Daryeelaa oo lala socdaa Baahidooda” ayuu sharraxay Americo.

Wuxuu dhinaca kale, Safiirku ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto in ay Gurmad u fidiyaan Magaaladda Baladweyne oo Xaalad Adagi ka jirta, Kaddib markii Fatahaadaha Webiga ay baro-kiciyeen kumannaan Qoysas Soomaaliyeed ah oo ku dhaqnaa magaaladaas.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota ayaa soo dhaweeyay ololaha Ambassador Maxamed Cali Americo, waxayna uga mahadceliyeen wax qabadkiisii intii uu ahaa safiirka Soomaaliyee Kenya.

“Cali Ameeriko, waa muwaadin Soomaaliyeed oo wax tar leh, intii uu safiirka ahaa wuxuu ilaaliyay sharafta Calanka iyo tan ummadda Soomaaliyeed, Wax badan oo ayuuna Qabtay, haddana wuxuu wadaa olole nabadeed oo muhiim ah, waana soo dhaweyneynaa innagoo la shaqeyneyna,” ayuu yiri Jibriil Afyare oo ah Guddoomiyaha Somali Citizens’ League, isla markaana ah Guddoomiyaha Xafladda soo dhaweynta Danjire Ameeriko, isagoo kaddibna Safiirka Guddoonsiiyay Shahaado Sharaf.

 

Comments are closed