Daawo USA: Murashaxad Ilhan Omar oo u tartameysa Aqalka Minnesota oo taageero weyn ka heyshay Soomaalida

hoyoMinnesota (NN) 30/05/2016

Waxaa xalay oo Sabti ahayd magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota dalka Maraykanka ka dhacday munaasabad Soomaalida ay taageeradooda ugu muujinayeen murashaxada Ilhan Omar oo ah gabar Soomaali ah oo markii ugu horeysay u tartameysa kursiga Golaha Gobalkaasi Minnesota ee xaafada 60B. 

Xaflada oo lagu qabtay xaafada Soomaalida ee Cedar ee magaalada Minneapolis ayaa waxaa kasoo qeyb galay dad aad u badan oo isugu jira Soomaali iyo ajnabi kuwaasi oo muujiyey siday taageerada ulla garab taagan yihiin murashaxada oo hada ah shaqsiga ugu horeeya loolanka loogu jiro kursigaasi.

Ilhan Omar hadii ay ku guuleysato kursigaasi waxay noqon doontaa gabartii ugu horeysay oo Soomaali ah ama Muslim ah oo xilkaasi doorasho ku hesha.

13315625_1013463678738482_2394855700444965940_n

Comments are closed