IRAN: Sanadkan Xujayda Reer Iran ma tegi doonaan Sacuudiga

anIran (NN) 30/05/2016

Dowlada IRAN ayaa Axadii shalay shaacisay in sanadkan aysan Xajka tegi doonin muwaadiniinta u dhashay dalkaasi, iyadoo ku eedaysay arrinta shuruudaha Boqortooyada Sacuudiga. 

Go’aankan ayaa kasoo baxay xukuumada IRAN kadib markii uu burburay wadahadal labo maalmood uga socday magaalada Riyad wafdi ka yimid IRAN iyo wasaarada Xajka ee dalka Sacuudiga, wadahadalkaasi oo burburay Jimcihii lasoo dhaafay.

Wasiirka Dhaqanka ee IRAN Ali Jannati ayaa qoraal uu soo saaray Axadii shalay ku yiri “…Kadib labo jeer oo wadahadal aan arrintan ka yeelanay waxaa ka xunahay inaan shaacino in sanadkan aysan dadka reer Iran tagi doonin Xajka, kadib markii ay Sacuudiga caqabado badan la yimaadeen…”

Dowlada IRAN ayaa ku eedaysay Sacuudiga inuu horjoogsaday Cibaadada Alle isla markaana Aakhiro wax laga weydiin doono. Waa siday hadalka u dhigeenee.

Balse Wasaarada Xajka ee Boqortooyada Sacuudiga oo ka mas’uul ah arrimaha Xajka ayaa beenisay inay horjoogsatay xujayda reer IRAN.

“…Shuruudo badan oo ay la yimaadeen wafdiga reer IRAN wax baa xal loo helay…”ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Wasaarada Xajka ee Sacuudiga.

Qodobada ugu adag oo ay labada dhinac isku heysteen ayaa waxaa kamid ah, halka Ay VISUM ama dal-ku-galka ka qaadanayaan xujayda reer Iran, mar hadii ay xirantahay Safaaradii Sacuudiga ee Tehran iyo in Sacuudiga ogolaado in diyaaradaha IRAN ay xujayda keenaan wadankaasi.

Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in labadaasi qodob ay xalisay, isla markaana ay Xujayda reer IRAN Visum ka qaadan karaan Safaarada Switzerland ee Tehran, isla markaana ay u ogolaan doonto diyaaradaha IRAN inay Sacuudiga keenaan Xujayda.

Sidoo kale Sacuudiga ayaa isaguna sheegay in Aakhiro wax laga weydiin doono xukuumada IRAN hadalka ay soo saartay.

Xiriirka u dhaxeeya dalalka IRAN iyo Sacuudiga ayaa sii xumaanayey mudooyinkii lasoo dhaafay, Xajkii sanadkii hore ayaa shilkii ka dhacay ay ku dhinteen boqolaal xujay ah oo ka yimid dalka IRAN.

Sanadkii lasoo dhaafay ayey Xujayda IRAN ka timid gaarayeen 60.000, waxayna noqonaysaa markii ugu horeysay muddo 30 sano ah in reer Iran ay tagi waayaan Xajka.

Xiriirka labada wadan ee Sacuudiga iyo IRAN ayaa heerkii ugu xumaa gaaray kadib markii ay jareen xiriirkii diblumaasiyadeed bishii Janaayo ee sanadkan, kadib markii ay Iraniyiin mudaharaadaya ay gudaha u galeen Safaarada Sacuudiga ee Tehran. Shiicadaasi ayaa ka careysnaa wadaad Shiico ah oo ay dowlada Sacuudiga dishay.

Xajjka-2016

 

Dowlada Sacuudiga ayaa kadib cunaqabateyn kusoo rogtay dalka IRAN isla markaana ka mamnuucday Duulimaadyada shirkadaha Diyaaradaha ee IRAN iyo in badeecadaha dalka IRAN la keeno gudaha wadanka Sacuudiga.

Comments are closed