Kismaayo oo Maanta lagu soo dhaweeyay Koox ka mid ah Kooxaha Kubadda Cagta ee Gaalkacyo

kismaayoKismaayo (NN) 30/05/2016

Kooxdan ciyaartoyda ah oo ka timid degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, xiriirka kubadda cagta Jubaland iyo masuuliyiin ka tirsan Jubaland.

Ciyaartooydan oo ka socotay mid kamid ah kooxaha ka dhisan degmada Gaalkacyo ayaa ciyaaro saaxiibtinimo la dheeli doona ciyaartooyda kubadda cagta ee degmada Kismaayo.

Goobta ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay gudoomiyaha degmada Kismaayo Mudane Ibraahim Max’ed Yuusuf Timajilic, isagoo sheegay in arrin lagu farxo ay tahay kooxdan kubadda cagta ah ee soo gaartay Kismaayo, wuxuuna sheegay in ay tahay mid muujineeysa isdhexgalka bulshada.

Agaasimaha isboortiga iyo dhalinyarada Jubaland Burhaan Max’uud Xasan Kukuuyu oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in kooxdan ka socotay Puntland ee soo gaartay Kismaayo ay in mudo ah ka shaqeeynayeen sidii ay ku iman lahayd, wuxuuna xusay in ay tahay dhacdo taariikhda galeeysa islamarkaana ay ku faraxsanyihiin.

C/qani Carabeey oo ah gudoomiyaha kooxda ka timid Gaalkacyo ayaa sheegay in aysan ahayn markii ugu horeeysay oo kooxdooda ay safar gasho balse ay tahay markii ugu horeeysay ee ay Kismaayo yimaadaan, isagoo ka mahadceliyay soo dhaweynta loogu sameeyay Kismaayo.

Kooxdan ka socotay degmada Gaalkacyo ayuu gudiga Isboortiga Jubaland gaar ahaan agaasimaha isboortiga iyo dhalinyarada Mudane Burhaan Max’uud Xasan Kukuuyu mudo dheer ka shaqeeynayay sidii ay ciyaar saaxiibtinimo magaalada Kismaayo ugula dheeli lahaayeen kooxaha kala duwan ee ka dhisan degmada.

Comments are closed