Madaxweynaha DDSi Ayaa soo Xidhay Shirkii Wada-tashiga Odayaasha Dhaqanka Shacabka

wadatashi1Jigjiga (ESTV) 31/05/2016

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta soo xidhay kulanwaynihii 7aad ee wadatashiga xukuumada iyo shacabka DDSI oo socday mudo 5 maalmood ah.

kulanwaynahan oo ay kasoo qaybgaleen in kabadan 2kun oo shaqsi ayaa xidhitaankii kahor lagu soo bandhigay tartan faneed heesaha halalaasiga ah ee kaladuwan oo si live ah ay ugu tartamayeen kooxaha kaladuwan ee fanka deegaanku iyadoo xubnihii kaalinta 1aad, 2,aad iyo 3,aad galay lashilimaaday islamarkaana lasoo jeediyay magacyada xubnihii halgan faneedka kaga qaybqaatay xiligii xaalada deegaanku ugu xumayd ee lasoo dhaafay oo iyana la abaal-marin doono.

Hadaba Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa xidhitaankii kulanwaynahan usoo bandhigay qodobo muhiim ah oo ay tahay in si fiican loo hirgaliyo. Waxaana kamid ah: in dhulka seeraha ah lajoojiyo gabi ahaanba oo cid dhul-daaqsimeed seero ah samaysan karta aysan jirin, in cidda dhulbeereed leh ay beerato hadii ay beeran waydana canshuur dheeraad ah lasaari-doono kadib hadii ay beeran waydana lagawareejin doono oo cidbeerata lasiin doono, in dumaasha, dhaxalka iyo magtaba lawaafajiyo sida shareecada diinteena islaamku dhigayso.

Ugudanbayna odayaashii, culimo-awdiinkii, Hooyooyinkii iyo marti sharaftii kale ee kasoo qaybgashay kulanwaynahan ayaa cod buuxa oo ay gacanta uwada taageen ku ansixiyay qodobada muhiimka ah ee uu madaxwaynuhu soo bandhigay. Kadibna madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa duco balaadhan oo meel kasta taabanaysa kusoo xidhay kulanwaynihii.

Comments are closed