Daawo Afghanistan: Talibanka oo weerar ku galay Xarunta Maxkamada Ghazni

afhganistanAfghanistan (NN) 02/06/2016

Maleeshiyaadka Kooxda Talibanka Afghanistan ayaa Arbacadii shalay gelinkii danbe weerar ku galay xarunta Maxkamada magaalada Ghazni oo 150km u jirta caasimada Kabul, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 qof.

Ciidamada Booliiska ayaa sheegay inay dileen 5 kamid ah kooxda Talibanka ee weerarka soo qaaday, balse iska horimaadka ka dhacay gudaha xarunta ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan shan qof oo kale oo ay ku jiraan illaalada xaruntaasi iyo dad rayid ah.

Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in qaarkood ay ku labisnaayeen dareeska ciidamada dowlada.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan ay kooxda Talibanka ay wacad ku martay inay weerar ku qaadi doonto xarumaha dowlada Afghanistan kadib markii dowlada dil ku fulisay 6 maxaabiista Talibanka laga hayey.

Kooxda Talibanka dhamaadkii bishii lasoo dhaafay la dilay hogaamiyahoodii Mullah Mansoor ayaa sheegay inay dar dar gelin doonaan weerarada ka dhanka ah xukuumada Afghanistan.

Afghanistan-Weerar-Ghazni

 

 

Comments are closed