Los Angeles: Labo qof oo ku dhintay weerar ka dhacay jaamacada UCLA

June 1,2016. Westwood CA. LAPD SWAT search any student with a backpack at UCLA after a murder-suicide Wednesday morning at UCLA left two dead, and prompted a campus-wide lockdown, according to the Los Angeles Police Department.  ÒAt about 10 this morning, a homicide and a suicide occurred on the southside,Ó Los Angeles Police Chief Charlie Beck said in a news conference. ÒIt appears it was entirely contained. We believe there are no suspects outstanding and no continued threat to UCLA campus. WeÕre in the process of releasing the campus.Ó  (Photo by Gene Blevins/Los Angeles Daily News)

Los Angeles. (NN) 02/06/2016 

Booliiska magaalada Los Angeles gobalka California ee dalka Maraykanka ayaa xaqiijiyey in labo qof ay ku dhimatay weerar shalay gelinkii danbe ka dhacay xarunta Jaamacada UCLA ee ku taal magaalada Los Angeles.

Weerarkan ayaa la rumeysan yahay inuu soo qaaday mid kamid ah labada qof ee la xaqiijiyey inay dhinteen, qofka labaad ayaa ah Professor William S Klug oo wax ka dhigi jiray qeybta Injineeriga ee Jaamacadaasi. Ninka dilka geystay ayaa intii aysan goobta soo gaarin Booliiska isaga gacantiisa isku toogtay, waxaana la xaqiijiyey inuu dhintay.

Ciidamada Amaanka oo isku gadaamay xarunta Jaamacada UCLA oo kamid ah jaamacadaha ugu waaweyn dalkaasi Maraykanka, ayaa qol qol u baaray iskuulkaasi oo ay dhigtaan arday gaareysa 43.000.

Dalka Maraykanka ayaa marar badan ka dhacaan weeraro noocaan ah oo ay geystaan dad careysan ama xanuunsanaya kuwaasi oo iyaguna isdila kadib markii ay wax dilaan. Maadaama shacabka Maraykanka loo ogol yahay inay hubka fudud gataan ayaa loo sababeeyaa dilalka badan ee ka dhaca dalkaasi.

Waxaa horey loogu fashilay isku dayo badan oo lagu doonayey in lagu xakameeyo iibinta hubka balse waxaa inta badan horjoogsada Baarlamaanka dalkaasi oo la sheego inay awood badan ku leeyihiin shirkadaha hubka ka ganacsada iyo ururada u ololeeya iibsiga Hubka sida ururka NRA oo lacag badan ku bixiya ololahooda.

Weerar UCLA 1

 

Comments are closed