Muqdisho: Xildhibaanadii lagu diley Hotel Ambassador oo Aas Qaran loo sameeyey

muMuqdisho (NN) 02/06/2016

Malayshiyaad ka tirsan ururka al-Shabaab ayey u surta gashey in ay weerar ku qaadaan Hotel Ambassador magaalada Muqdisho fiidnimadii Arbacada, waxaana ay gudaha u galeen Hotelka.

Dadkii lagu diley waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac kabaweyne iyo Xil. Maxamuud Maxamed Guure. Labada Xildhibaan ayaa ka mid ahaa dad ka badan 20 qof oo lagu diley Hotelka.

Madaxweynaha iyo raysalwasaaraha ayaa ka qayb-qaatey salaaddii janaasadda ee loo sameeyey Xildhibaanada la diley, waxaana aaskii ka qayb-qaatey qaar ka mid ah jaalayaashoodi ee ay soo wada shaqeeyeen 4-tii sano ee u danbeysey. Aaska Xildhibaanada ayaa ka dhacay qubuuraha Booliska

Qaar kamid ah Xildhibaanadii ka qayb-galay aaska ayaa wel-wel ka muujiyey xaaladda amnigooda ee magaalada Muqdisho.

Dilka Xildhibaanada ee Dowladda Xasan Shiikh Maxamuud ayaa soo bilowdey wax yar kadib doorashadiisi, waxaana ilaa hadda al-Shabaab dilkooda sheegteen Xildhibaano gaaraya 16 tan iyo 2013.

Weerarka al-Shabaab ayaa lagu beegay xilli magaalada Muqdisho loo fadhiyo qaabka doorashada iyo halka ay ka dhici doonto.

salaadda

 

Comments are closed