JIGJIGA ( ESTV) 02/06/2016
Waxaa ka soo Qeybgalay Mas’uuliyiin uu kamid yahay Mareeye Kuxigeenka Xafiiska Hormarinta Somalida Itoobiya Ahna Kusimaha Xafiiska Hormarinta Somalida Itoobiya Mudane C/khadar Ilyaas & Maareeyaha wakaalada Environmental protection Mudane Axmed Xabiib iyo wasiir kuxigeenka Ganacsiga DDSI Mudane Ibrahim iyo Ugaaska Maxamuud Ugaas Muxumed qani iyo Mas’uuliin kale.
Ururka Hormarinta Somalida Itoobiya ayaa xalay abaal-marin caalami ah guddoonsiiyay,
Dhamaan Masuuliyiinta ka soo Qeybgashay Xaflada Abaal-marinta ah ayaa Waxey ku Bogaadiyeen dhamaan Masuuliyiintii Jaaliyadda DDSI Ee Australia Sida Sharifta Leh iyo ee Waddaniyada leh ay uga Qeyb qaateen Sidii ay u Hormarin Lahaayeen Deegaanka waxaa daliil u ah sida Caruurta Agoonta Ah ay Kunteenar Agab ka buuxa ay Ugu Deeqeen.
Ugu dambeyn, Masuuliyiin Qurbajoogta ayaa halkaa lagu guddoonsiiiyay Shahaada Sharaf iyo dharka hiddaha iyo dhaqanka iyadoo loo aqoonsaday looguna magac daray “Qurbajoogta Horumarka DDSI Ee Jaaliyadda DDSI Ee Australia”. Iyadoo munaasabaddu ay kusoo idlaatay jawi qurux badan.
Comments are closed