Xaflad loogu qabtay Qurbajoogta Jaaliyadda DDSI Australia Shahaado Sharaf La Gudoonsiyay

Xaflad loogu qabtay Qurbajoogta Jaaliyadda DDSI Australia Shahaado Sharaf La GudoonsiyayJIGJIGA  ( ESTV) 02/06/2016

Xaflad casho sharaf ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa xalay Xubno Qurbajoog ah oo ka Socda Jaaliyadda DDSI Ee Australia Ahna Wakiilo Ururka Hormarinta Somalida Itoobiya loogu Qabtay Hoolka Nogob Hotel Ee Magaalada Jigjiga.

20160602_145051Waxaa ka soo Qeybgalay Mas’uuliyiin uu kamid yahay  Mareeye Kuxigeenka Xafiiska Hormarinta Somalida Itoobiya Ahna Kusimaha Xafiiska Hormarinta Somalida Itoobiya Mudane C/khadar Ilyaas & Maareeyaha wakaalada Environmental protection Mudane  Axmed Xabiib iyo wasiir kuxigeenka Ganacsiga DDSI Mudane Ibrahim iyo Ugaaska Maxamuud Ugaas Muxumed qani iyo Mas’uuliin kale.

20160602_145137Ururka Hormarinta Somalida Itoobiya ayaa xalay abaal-marin caalami ah guddoonsiiyay,
Mudane Muxumed suldan maxamuud Haybe iyo Mudane fatxudiin cabdiqaadir Xubnahan Qurbajoogta ah ayaa dhawaan Gudoonsiyeen Kunteenar Agab kala duwan Sida Sariiro Furaashyo, Dhar, Bugaag, Qalimaan, Cumputaro, Agabka-caruurtu ku ciyaarto, iyo agab kale oo kala duwan oo Jaaliyadda DDSI ee wadanka Australia ugu Deeqeen Caruunta Dugsiga Hoyga Agoonta ee magaalada Fiiq.

20160602_145352Dhamaan Masuuliyiinta ka soo Qeybgashay Xaflada Abaal-marinta ah ayaa Waxey ku Bogaadiyeen dhamaan Masuuliyiintii Jaaliyadda DDSI Ee Australia Sida Sharifta Leh iyo ee Waddaniyada leh ay uga Qeyb qaateen Sidii ay u Hormarin Lahaayeen Deegaanka waxaa daliil u ah sida Caruurta Agoonta Ah ay Kunteenar Agab ka buuxa ay Ugu Deeqeen.

20160602_145318Ugu dambeyn, Masuuliyiin Qurbajoogta ayaa halkaa lagu  guddoonsiiiyay Shahaada Sharaf iyo dharka hiddaha iyo dhaqanka iyadoo loo aqoonsaday looguna magac daray “Qurbajoogta Horumarka DDSI Ee Jaaliyadda DDSI Ee Australia”. Iyadoo  munaasabaddu ay kusoo idlaatay jawi qurux badan.

Comments are closed