Madaxweynaha DDSI Wafdi uu Hogaamin Qabridahare soo Gaadhay Sifa Ay Xadhiga uga Jaraan Airport Cusub

Abdi Qabridahare  (ESTV) 03/06/2016

 

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaaminaya wafti aad ubalaadhan oo ay kamidyihiin mw-kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax, mw-kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska hawlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, mw-kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Mowliid Haayir Xasan iyo mas’uuliyiin kale oo tiro badan ayaa saaka socdaal gaadiid ah xarunta deegaanka uga ambabaxay dhanka wadada dheer ee laamiga magaalada qabridahar.

Khadar abdiHadaba, ujeedada socdaalkan oo ah in maalinta bari ah xadhiga laga jaro garoonka diyaaradaha caalamiga ah eeqabridahar ayaa wax lasii socdo oo lasii maro gobolo, maamul magaalo, degmooyin iyo tuulooyin farabadanba waxaa xili gaaban lagaadhay qabridahar iyadoo islamarkiiba loo sii gudbay qabalaha maraacaato oo uu kasocdo dhismaha mashruuca biyo-xidheenka wayn. Halkaas oo kormeer iyo indha-indhayn lagu soo sameeyay qaab-shaqeedka mashruuca iyadoo kadibna loo soo dheelmaday xarunta gobolka qoraxey ahna maamulka magaalada qabridahar ee qabridahar.

20160603_22101520160603_220958

Comments are closed