Daawo Baaq ka soo baxay shirkii duubabka beelaha Daarood ee Qardho

qardhoQardho (nN) 05/06/2016

Shir socdey muddo saddex maalmood ah oo ay isugu yimaadeen inta badan duubabka beelaha Daarood ayaa ku qabsoomey magaalada Qardho.

Shirkan oo uu marti geliyey Boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxaana shir guddoominaayey Garaad Kulmiye Garaad Dool Garaad Wiil-aal.

Shirkan ayaa looga hadley mideynta beelaha Daarood ee ku dhaqan Bariga Afrika, xalinta khilafaadkooda iyo nabad kula noolaanshaha deriskooda.

Shirka ayaa lagu dhisey guddi farsamo oo ka koooban 27 Isim kuwaas oo ay Boqorka kawada shaqeyndoonaan arrimaha guud ee beesha.

shirka_darood

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo madashii war murtiyeedka laga soo saarey ka hadley ayaa sheegay in ay hawlgalayaan gudahsada cibaadada bisha Ramadaanka kadib isla markaana hawshooda ka bilaabayaan nabadeynta.

suldaanka

Hoos ka akhri Warsaxaafadeedka

qardho war

Comments are closed