Fadlan caawi Aabe Soomaaliyeed oo muddo 2 sano ah tuubo cunada lagu siinayey

odeyBoosaaso (NN) 05/06/2016

Cali Axmad Xasan waa aabe Soomaaliyeed oo xaaladiisa caafimaad wax looga qaban waayey gudaha dalka Soomaaliya,isla markaana xanuunsanaa muddo dhan 2 sano.

Aabahan ayaa waxa uu ku nool yahay magaalada Bosaso ee Puntland-Soomaaliya.

Cali Axmad Xasan ayaa waxaa xirmay cuno mareenka, mana jirto wax cunno ah oo si toos ah u cunay labadaasi sano, waxaa Aabahan oo ku caafimaad ahaan loo geeyay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa oo xaaladiisa caafimaad wax looga qaban waayay.

Siciid Axmad Xasan oo ah walaalka Cali Axmad Xasan ayaa sheegay kadib markii wax looga qaban waayay gudaha dalka oo jirkiisii uu dhammaaday uu dhakhtar ka hawl galayay Bosaso uu soo jeediyay inuusan hayn xal kale oo aan ahayn in tuubo laga galiyo caloosha oo cunada laga siiyo ,arrintaas oo la isku raacay.

Kadib markii laga qalay caloosha qaybta hoose ayaa waxaa laga galiyay tuubo laba af leh, taasi oo laga siiyo biyaha iyo boorashka oo kaliya, mana jirto cuno kale oo uu cunay oo uu cuni karo.

Siciid Axmad Xasan ayaa intaasi ku daray in xaalada walaalkiis wax looga qaban karo dibada oo kaliya sida ay dhakhaatiirtu sheegen,wuxuuna ka codsaday bulshada Soomaaliyeed inay gar-gaar deg-deg ah la soo gaaran.

Walaalka xannuunsan ayaa sheegay in uu ku qanacsan yahay qadarta EEBE, uuna xamdi naqayo, wuxuu sheegay in uu ku kalsoon yahay ummadda Soomaaliyeed in ay caawin doonaan.

Walaal ka qayb qaado gurmadka oo cidna haku halayn, kuna hagaaji akoonka Dahabshiil;-

A/C 005924 ama Telefoon Nambarada kala ah;-

0025290638026

00252907381988

Comments are closed