Marxuum Maxamed Cali Kalaay oo lagu Aasayo Jimcaha Magaalada Louisville oo uu ku Dhashay

FILE - In this Sept. 27, 2014, file photo, Muhammad Ali is shown before the Ali Humanitarian Awards ceremony in Louisville, Ky. A family spokesman for Muhammad Ali says the boxing great has been released from a hospital after recovering from a severe urinary tract infection. Ali spokesman Bob Gunnell says the three-time world heavyweight champion is back home after being released from an undisclosed hospital Tuesday night, Jan. 6, 2015.  (AP Photo/Timothy D. Easley, File)

FILE – In this Sept. 27, 2014, file photo, Muhammad Ali is shown before the Ali Humanitarian Awards ceremony in Louisville, Ky. A family spokesman for Muhammad Ali says the boxing great has been released from a hospital after recovering from a severe urinary tract infection. Ali spokesman Bob Gunnell says the three-time world heavyweight champion is back home after being released from an undisclosed hospital Tuesday night, Jan. 6, 2015. (AP Photo/Timothy D. Easley, File)

Louisville (NN) 05/06/2016

Qoyska Maxamed Cali Kallaay, ayaa ku Dhawaaqeen inuu Aaska Feeryahankii Caanka ka ahaa Adduunka – uu Maalinta Jimcaha ah ee soo Socota ka dhici doono Magaaladii uu ku dhashay ee Louisville oo ka tirsan Gobolka Kentucky.

Afhayeen u hadlay Qoyska Kalaay, ayaa sheegay inuu ahaa Muwaadinka Caalamka, uuna jeclaan lahaa in dhammaan inay aaskiisa xaadiraan Dhammaan Shacabka Mareykanka iyo kuwa kale ee Caalamka.

Marxuum Maxamed Cali Kalaay, ayaa Wuxuu Habeenkii Jimcaha ku Geeriyooday Isbitaal looga daweynayay xanuun ka haleeyay sambabada, wuxuuna Muslim, isagoo qaatay Diinta Islaamka sannadkii 1964-kii oo ahayd markii uu ku guuleystay Abaal-marinta Feerka culus ee Caalamka oo dhan.

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Waddanka Mareykanka Bill Clinton, ayaa ka qayb-geli doona Aaska Allaha u Naxariistee Marxuum Kallaay. Maxamed Cali Kalaay ayaa jiray 74 Sano, Seddax jeer ayuuna ku guuleystay Tartanka Feerka Miisaanka Culus ee Dunida.

Aaskiisa, waxaa loo dhigayaa sida Diinta islaamku qabto, laakiin Dadweyne kala aaminsan Diimo kale ayaa ka Qayb-geli doona sida uu afhayeenku sheegay. waxaana geerida Kalaay ay hareysay Siyaasadda Mareykanka iyo Loolanka Tartanka Doorashada.

Xubnaha Tacsida u diray Marxuum Maxamed Cali Kalaay – ayaa waxaa ka mid ah; Donald Trump oo ay u badan tahay inuu noqdo Musharraxa Xisbiga Jamhuuriga, isagoo sheegay in Maxamed Cali Kalaay uu ahaa nin ku weyn horyaalka Feerka miisaanka culus ee Aduunka, uuna ka dhintay dadka oo dhan.

Dhanka kale, Maxamed Cali Kalaay ayaa Sannadkii hore cambaareeyay Hadalkii Trump ee ahaa in Muslimiinta laga mamnuuco inay galaan Mareykanka.Hadalkaas oo Murano badan ka dhaliyay Calaamka oo dhan, lana Cambaareeyay. iyadoo Mid ka mid ah Musharrixiinta xisbiga Dimuquraadiga ee dalk Mareykanka, Senator Bernie Sanders, ayaa Donald Trump ku eedeeyay Munaafaqnimo.

Ugu dambeyn, Murashaxadda Xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Mareykanka Hilary Clinton, ayaa dhankeeda sheegtay inay tahay in Trump lagu dacweeyo Hadalladiisa iyo Ficilladiisa ku dhisan Islaam nacaybka.

 

Comments are closed