Muran siyaasadeed ka dhashay geeridii ku Timid Feeryahankii Caan baxay ee Maxamed C. Kalaay

mareykankaMareykanka (NN) 05/06/2016

Waxaa soo if-baxaya muran siyaasadeed weyn oo Gudaha Dalka Mareykanka ka dhashay, kaddib Geeridii Feeryahankii Caanka ah ee Maxamed Cali Kalaay oo habeen hore geeriyooday, kaddib markii Musharraxiinta Qaarkood ay billaabeen inay u isticmaalaan ololahooda doorashada.

Murashax Donald Trump oo ah shaqsi saameyn weyn ku leh Mareykanka una Sharraxan in Xisbiga Jamhuuriga uu u xusho murashaxooda doorashada Madaxweynaha Mareykanka oo dhici doonta November sannadkan, ayaa ku tilmaamay Maxamed Cali Kalaay inuu horyaal weyn u ahaa, ayna tabi doonaan guud ahaanba shacabka Mareykanka oo kuwa Calaamka.

Balse, Hadalka Donald Trump waxaa durba ka hor-yimid Musharraxa u Tartamaya Xisbiga Dimuqraadiga Mareykanka, Senatar Bernie Sanders, oo ku Tilmaamay hadalka Trump mid labo-wajiile-nimo ah.

“Waxaan rabaa inaan u sheego dhammaan taageerayaasha Donald Trump ee moodaya inay sax tahay in ay noo sheegeen jaceylka ay u qabaan Max’ed Cali Kalaay, iyaga oo muslimka Neceb, Waa inay fahmaan in Kalaay uu ahaa Nin Muslim ah oo Waliba ku adag Diintiisa,” ayuu yiri Senatar Bernie Sanders.

Faaryahanka Geeriyooday ee Maxamed Cali Kalaay ayaa kol hore cambaareeyay baaqii uu jeediyay Donald Trump ee ahaa in Muslimiinta laga Mamnuuco soo gelida Maraykanka.

Ugu dambeyn, Waxaa muuqata inay musharaxiinta qaarkood doonayaan in geerida ninkaas Caanka ahaa u adeegsadaan olalahooda doorashada, Madaama Marxuumka uu ahaa Shaqsi muslim ah oo laakiin magac-weyn ku dhax lahaa aduunyada oo idil

 

Comments are closed