Raila Odinga oo Ugu Baaqay Dawlada Kenya inay Ka Laabato Go’aanka Lagu Celinaayo Qaxootiga Soomaalida ah

rail odingaKenya (NN) 05/06/2016

Hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka Kenya ee Cord, Raila Odinga ayaa ugu baaqay dawlada Kenya inay dib uga fakarto kana laabato go’aankeeda dhawaan ay soo saartay ee ah in la celiyo qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool xeryaha Dhadhaab.

Wuxuu sheegay in dawlada Kenya ay tahay marka hore inay qaxootiga u dammaanad qaado amni ka hor inta aysan dalkoodii ku celin.

“Hadii askar lagu leynaayo gudaha Soomaaliya, rayidka kunool Dhadhaab waa sidee? Waxaad u direysaa geeridooda,” sidaa ayuu yiri Raila.

Raila oo horay dalka Kenya uga ahaan jiray raisul wasaare ayaa hadalkaas ka sheegay magaalada Garissa ee gobolka Soomaalida ee Waqooyi-bari Kenya halkaas oo uu khudbad ka jeedinaayay shalay.

Wuxuu sheegay in dawlada Kenya looga baahan yahay in ay inta hakiso hannaanka dib u celinta qaxootiga Soomaalida ah ay uga dhisto guryo gudaha Soomaaliya ka hor inta aysan celin.

“Dadkaani waa dad dalkoodii uga soo cararay dagaal dartii adinkuna waxaad dooneysaan inaad dib u celisaan ?” Raila ayaa sidaa yiri.

Dawlada Kenya ayaa ku adkeysanaysa go’aankeeda ah inay dib ugu celiso Soomaaliya qaxootiga Soomaalida ah ee Kenya kunool ayadoo sheegtay inay muddadii loogu tala galay inay Kenya joogaan muddo aad uga dheer ay joogeen ayna tahay in la celiyo.

Xeryaha Dhadhaab ayaa waxaa kunool in ka badan 300,000 oo qaxooti ah oo badankood ka yimid dalka Soomaaliya.

Qaxootiga Soomaalida ah ee halkaa kunool ayaa ka soo cararay dagaalka sokeeye ee Soomaaliya oo soo bilowday markii 1991 la riday dawladii Maxamed Siyaad Barre uu madaxweynaha ka ahaa qaarkoodna waxay kasoo barakaceen abaarihii Soomaaliya ka dhacay sanadihii 2011 iyo 2012.

 

Comments are closed