Somaliland oo ka Hadashay Dagaalkii Deegaanka Dharkeyn-geeyo iyo Ciidan la Dhex-dhigay

somalilandHargeysa (NN) 05/06/2016

Xukuumadda Somaliland, ayaa ka Hadashay Dagaalkii uu Dhiigga badani ku daatay ee ka dhacay Deegaanka Dharkayn-geeye ee Koonfurta Gobolka Sool.

Xukuumadda ayaa sheegtay in dagaalkan u dhexeeya  laba beelood oo walaalo ah, kaasi oo ka dhashay markii ay isku khilaafeen arrimo mag oo la kala qaadanayey taas oo keentay in markiiba dagaal ka dhaco isla goobtii.

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Cismaan Cabdilaahi saxardiid (Caddaani) oo ka hadlaya dhibaatadda ka dhashay dagaal beeleedka gobolka Sool ka dhashay iyo baaq nabadeed oo uu direy, Wuxuu yiri. “Waxaan jeclahay inaan halkan idin kugu soo gudbiyo xog la xiriirta Dhacdadii murugada lahayd ee labadii maalmood ee u dambeeyey ka dhacaysay Degmada Dharkayn-Geeye ee koonfurta gobolka Sool, taasoo khasaare aan la filayn ka dhex dhashay labo ardaa oo walaalo ah oo ka tirsan bulsho-weynta reer Somaliland , kuwaas oo si kediso ah xabadu uga dhex-bilaabatay iyagoo wada fadhiya, kaddib markay isku afgaran waayeen xaajooyin ay ka wada hadlayeen.”

Waxaanu intaas ku daray “aniga oo ku hadlaya afka Dawladda Somaliland Waxaanu tacsi u diraynaa ehelada dadkii halkaa ku dhintay iyo kuwii ku Dhaawacmayba, iyada oo tirada Dadka ku Dhintay ay Labaatameeyo Gaaraya, tiro intaa ka badanina ay ku Dhaawacantay, Dawladda Somaliland waxay qaadday talaabooyinkii lagama maarmaanka ahaa ee ay kaga hawlgeli lahayd mashaqadaas.

Madaxweyne Md Axmed Maxamed maxamuud Siilaanyo  markii dhiiladaasi soo gaadhay waxa uu amray in ciidanka Qaranku si degdeg ah u kala dhexgalaan labada dhinac, si loo joojiyo khasaare kale oo sii kordha. Illaa hadana ciidanka Qaranku waxay ku sugan yihiin goobihii waxyeeladu ka dhacday.

Sidoo kale Xukuumadu waxay tallaabooyin lagu adkaynayo Ammaanka Dadweynaha ka qaadday gudaha magaalada Laascaanood si looga hortago in Falal dhibaatadaa la Xiriirta ka dhacaan,  Maadaama labaduba wada-degan yihiin Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Xukuumadda Somaliland Waxay dhiirrigelisay ergooyin nabadoon oo madax dhaqameed ah oo ka kala Tegay Gobollada Somaliland oo dhan iyo Hargeysa oo ay Hoggaaminayaan Wasiirro, Madax-dhaqameed, Xubno ka kooban Labada Gole Guurtida iyo Wakiilada, oo hadda ku sugan aaggii dhibaatadu ka dhacday.

Intaas kaddib, Xukuumada Somaliland oo ah hay’adii fulineed ee Dalkan, mas’uulna ka ah ammaanka Qaranka waxay ugu baaqaysaa  dadkii halkaa ku dagaalamay in ay ka fekeraan Dhiigga Qubanaya, isla markaana joojiyaan Xabadda, una dhego Nuglaadaan Ciidammada Qaranka ee nabadda ka shaqaynaya iyo ergooyinka nabadeed ee madax-dhaqameedku hor-kacayo ee u gurmaday.

Haba yaraatee, Xukuumada Somaliland waxba kala hadhi mayso sidii dhibaatada loo joojin lahaa is afgarad-na loogu dhammayn lahaa waxii dhacay iyo waxii sababta u ahaaba.”

Si kastaba ha ahaaatee, labadda beelood ee dagaalku ku dhex maray deegaanka Dharkeyn-geenyo ayaa ka dhashay muran ka dhashay mag labadda beelood kala qaadanayeen, taas oo keentay in goobtii lagu laayo dad badan oo arrimaha magta u joogay oo u badnaa odayaal iyo caaqilo, taasina waxay keentay in Labada Dhinac markiiba isku Hub urursadaan taasoo keentay in dagaal ka dhex qarxo, laakiinse, Ciidamada militariga Somaliland ayaa markiiba gaaray Deegaanka Dagaalku ka dhacay, taasoo kala hakisay in Dagaalladaasi sii balaartaan Waxaana hadda lagu jira Wada-xaajood lagu baajinayo in Dagaal dambe ka Qarxo halkaas.

 

Comments are closed