Madaxweynaha DDSi Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaadhay Dalka Australia

20160606_161351Australia  (ESTV) 06/06/2016

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii ay wada socdeen ee kakoobnaa 13ka xubnood ee uu hogaaminayay afhayeenka golaha federeshinka JDFI mudane Yallaw Abate oo ay kamid ahaayeen: madaxwaynaha dawlada deegaanka tigray mudane Abay Woldu, madaxwaynaha dawlada deegaanka oromiya mudane mukhtaar khadiir, maareeyaha guud ee wakaalada hawlaha biyaha DDSI mudane Subeer Cabdi Axmed iyo gudoomiyaha jaaliyada waqooyiga America mudane Maxamed Shukri Nuurayaa gaadhay garoonka Sedney ee wadanka Australia iyagoo halkaa u tagay aqoon is-waydaarsi iyo tababar uu soo diyaariyay xafiiska golaha federeshinka dalka iyo dawlada Australia oo kusaabsan dhanka federalismka. Waxayna shirkoodii ugu horeeyay maalinta bari ah layeelan doonaan madaxda dawlada federaalka ee Australia.

Hadaba, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  ayaa dhamaan dadka muslimiinta ah gaar ahaan kuwa dalka itoobiya dal iyo dibadaba ugu hambalyaynayabisha barakaysan ee Ramadan  isagoo leh, ‘‘Ramadan kariim dhamaan muslimiinta caalamka gaar ahaan kuwa reer itoobiya meel kasta oo ay caalamka kajoogaan’’. Madaxwayaha ayaana kubooriyay dadka muslimiinta ah inay si kaduwan sidii hore isugu naxariistaan bisha ramadanka oo dadka masaakiinta ah, qaraabada, musaafurka iyo danyartaba lacaawiyaa.

Wuxuuna madaxwaynuhu halkan salaan gaar ah uga dirayaa dhamaan qurbajoogta DDSI gaar ahaan qurbajoogta reer Australia.

Comments are closed