11-Qof dhimasho Qarax xoogan oo ka dhacay Bartamaha magaalada Istanbul

siiriyaTurkiga (NN) 07/06/2016

Qarax aad u xooggan ayaa ka dhacay Bartamaha magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Qaraxa ayaa galaaftey ugu yaraan 11 qof naftoodi. 

Qaraxa ayaa lagu fuliyey gaari lagu soo xirey Bom, kaas oo lala eegtey gaari bas ah oo sidey booliska rabshadaha ka hortaga.

Guddoomiyaha Istanbul ayaa sheegey in ugu yaraan qaraxa ay ku geeriyoodeen 11 qof, waxaana ku dhaawacmey 36 kale. Dadka geeriyoodey ayaa kala ahaa 7 ka mid ah Booliska iyo afar qof oo shacab ah.

Gaariga qaraxa loo adeegsadey ayaa la dhigey goob baska dadweynuhu istaago, waxaana la qarxiyey xilli uu soo ag istaagey gaari Bolisku lahaayeen.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa ah meel aad ugu dhaw suuqa Beyazit oo ah guub ay aad u jecel yihiin dalxiisayaashu.

Ma jirto cid weli sheegatey masuuliyadda qaraxa. Kooxda Kurdida gooni goosatada ah iyo xagjiriinta Daacish ayaa labaduba dagaal kula jira dalka Turkiga.

booliska_turkiga

 

Comments are closed