Madaxwayne Ku Xigeenka DDSI Oo Xadhiga Ka Jaray Dugsiyo Sare.

20160607_195200Awaare  (ESTV) 07/06/2016

Wafti uu hogaaminaye Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan oo ay ku wehelinayaan wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada DDSI mudane Axmed Maxamed Koore iyo gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan  ayaa siwayn loogu soo dhaweeyay degmada Awaare oo gobolka jarar.

Waxaana halkaasi siwayn ugu soo dhaweeyay waftigan, masuuliyiin maamulka degmada awaare oo uu ugu horeeyogudoomiyaha degmada awaare mudane cabdiwahaab maxamed shugri iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada awaare.

Ujeedada socdaalka waftigan ayaa ahayd in ay xadhiga ka soo jaraan dugsiyada sare ee laga hirgaliyay degmada awaare iyo dugsiga sare ee laga hirgaliyay degmada daroor. Soo dhawayn ka dib madaxwayne ku xigeenka iyo masuuliyiintan ku wehelinayay socdaalka ayaa siwada jir ah xadhiga uga jaray dugsiga sare ee degmada awaare. Sidoo kalena waxay xadhiga ka jareen dugsiga sare ee degmad daroor ee Gobolka Jarar.

Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan oo xadhig ka jarkaasi ka dib la hadlayay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in ay xukuumada DDSI iyo xafiiska waxbarashaduba dadaal xoogan ugu jiraan sidii kor loogu sii qaadilahaa adeega waxbarashada deegaanka. Wuxuuna sheegay madaxwayne ku xigeenku in dugsiyadan sare ee ay hadda xadhiga ka jarayaan qayb ka tahay  horumarka xawliga leh ee ka hana qaaday DDSI, sidoo kale  ay ka   mid yihiin 14 dugsi sare oo sanadkan  uu hirgaliyay dhismahooda  xafiiska waxbarashada DDSI  kuwaasi oo intooda badan xadhiga laga jaray.

 

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada  waxay sheegeen in dugsiga sare ee dawladdu u dhistay ay aad ugu faraxsanyihiin ugana faaii-daysanayaan sidii loogu talo galay islamarkaana ay daryeelanayaan.

Comments are closed