Imtixaankii Fasalka 8aad Oo Bilawday

20160608_205002Jigjiga  ( ESTV) 08/06/2016

Waxaa saaka si rasmi ah dhamaan DDSI uga bilawday imtixaankii heer deegaan ee fasalka 8aad kaasoo kabilawday 447 goobood oo deegaanka ah islamarkaana ay u fadhiisteen imtixaanka arday tiradoodu kor u dafayso 26,753 oo arday.

Hadaba madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane mawliid haayir xasan oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in imtixaankii heer deegaan ee fasalka 8aad uu maanta si rasmi ah uga bilawday dhamaan DDSI islamarkaana ay imtaxaanka u fadhisteen arday tiradoodu kor u dhaafayso 26,753 oo arday. wuxuuna intaa ku daray madaxwayne kuxiigeenku in  sidookale imtixaanka heer qaran ee faslka 10 aad uu si habsami leh u dhamaaday islamarkaana ay imtaxaanka u fadhiisteen arday  tiradoodu kor u dhaafayso 16,344  arday.

Ugudanbayna wuxuu xusay madaxwayne ku xigeenku in imtaxaanka heer qaran ee fasalka 12aad uu bilaaami doono 27ka bisha sane 2008 T.i iyadoo imtaxaankana ay u fadhiisan doonaan arday tiradoodu kor u dhaafayso 8753 oo arday

Comments are closed