Tababar ku Saabsan Diwaangalinta Dhacdooyinka Muhiimka Ah Oo La Soo Gabagabeeyay.

20160609_101920Jigjiga  ( ESTV) 09/06/2016

Tababar ay iska kaashadeen wakaalada diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah ee JDFI iyo wakaalada diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah ee DDSI ayaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta DDSI.

000fTababarkaasi oo ay ujeedadiisu ahayd soo bandhiga diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah ay u leeyihiin arimaha bulshada iyo dhaqaalaha ayaa waxa soo xidhitaankiisii ka soo qaybgalay wasiirka xeer ilaalinta guud  iyo cadaalada DDSI mudane Cabdijamaal Axmed Qolonbi, maareeyaha wakaalada diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah ee JDFI marwo Elsa tasfaye, maareeyaha kuwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah ee DDSI marwo aamina ibraahin iyo masuuliyiin heer deegaan ah iyo shaqaalaha wakaalada diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah ee DDSI.

0000fWaxaana soo xidhitaankii tababarkaasi ka hadlay wasiirka xeer ilaalinta guud iyo cadaalada DDSI mudane Cabdijamaal Axmed Qolonbi oo sheegay in uu tababarkani ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee lagu qabto deegaanka maadaamo oo ay tahay wakaaladan diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah ee DDSI mid hadda laga hirgaliyay deegaanka. Isaga oo  ka warbixiyay wasiirku ahmiyada uu lahaa tababarkaasi. Wuxuuna ku booriyay wasiirka tababartayaashii in ay ka midho dhaliyaan cashiradii ay ka barteen mudadii uu socday tababarkani si looga midho dhaliyo shaqooyinka wakaalada diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah ee DDSI.

Dhankeeda maareeyaha wakaalada diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah ee DDSI marwo Aamina ibraahin oo ka warbixisay ujeedooyinka iyo istaraatajiyadaha loo aas aasay wakaaladan diwaangalinta waxayna sheegtay in diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah door wayn ku leeyihiin kor u qaadida arimaha bulshada iyo horumarkaba. waxayna tilmaantay in ay wakaaladu diwaangalindoonto arimaha ay ka midka yihiin diwaangalinta dhalashada, dhimashada, guurka iyo furniinta. Waxayna tilmaantay maareeyuhu in tababarkana u fadhiyay nidaamka loo soo diwaangaliyo dhacdooyinka muhiimka ah.

 

Tababarkan oo socday mudo 3maalmood ah ayaa waxaa cashirada ka bixinayay khabiiro ka socday wakaalada diwaangalinta dhacdooyinka muhiimka ah ee JDFI.

Comments are closed