Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed oo loogu Deeqay Baabuurta Aanay Rasaastu Karin

201669636010371964968809Baabuurta_aanay_Xabbaduhu_karin_SomaliaBaydhaba (NN) 09/06/2016

Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa 11-gaari ugu yaboohday maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya, kaalmadaan oo qayb ka ah Taageerada Dowladda Imaaraadku ay Dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada dalka.

Gaadiidkan, ayaa isugu jira kuwa aanay rasaastu karin, kuwa ciidanka, booyad iyo mid ka mid ah Gawwaarida Gurmadka deg-degga ah ee loo yaqaano (Ambulance-ka), si shacabka loogu deegaannada maamulkaas loogu adeego xilliyada adag.

Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Somalia, Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi, ayaa Arbacadii Gaadiidkan ku wareejiyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Safiirka, ayaa muujiyay in taageeradan ay qayb ka tahay midda Imaaraadku uu siinayo DF Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Koonfur-galbeed, Shariif Xasan oo Kaalmadan kula Wareegay Magaalada Muqdisho, ayaa Dowladda Imaaraadka uga mahad-celiyay deeqdan ay maamulka uu isagu hoggaamiyo ugu yaboohday.

Dhanka kale, Shariif Xasan, ayaa ku Ammaanay Imaaraadka Garab-istaagga ay mar Walba garab-taagan tahay Shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya si Soomaaliya ay u soo ceshato Sharaftii ay Caalamka ku lahayd.

Ugu dambeyn, Safaarada Imaaraadka Carabta ee Muqdisho, ayaa kaalmo Gaadiid ah horay ugu Wareejisay Dowladda Somalia iyo Maamul-goboleedyada dalka ka jira Qaarkood.

 

Comments are closed