Madaxweeynaha Jubaland oo sheegay in Luulyo bilowgeeda ay howlgallo ka dhan ah Shabaab bilaabayaan

axmed madoobekismaayo (NN) 09/06/2016

Madaxweeynaha Jubaland Axmed Max’ed Islaam oo khudbad ka jeediyay munaasibaddii furitaanka kalfadhigii 2-aad ee baarlamanka Jubaland ayaa sheegay in bilowga bisha Luulyo ay bilaabi doonaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab.

Madaxweeynaha ayaa sheegay in caqabada ugu weyn ee haatan ka jirta deegaanada Jubaland ay tahay in aysan isu socon karin sedexa gobol, isagoo sheegay in uu jiro qorshe dowladda Soomaaliya, Jubaland iyo AMISOM oo taageero ka helaya Beesha Caalamka ay ku doonayaan in Shabaab looga xoreeyo sedexda gobol.

“Go’aanka yaal bisha July, Howlgal inaan galno weeye, xildhibaan walba waxaa la rabaa inuu baabuurka madaxa hore ka raaco aan hada howl-qeybsi dhab ah galno,” ayuu yiri Madaxweeyne Axmed Madoobe.

Madaxweeynaha ayaa sheegay in uu doonayo in xukuumaddiisu gaaarto dhammaan deegaanada Jubaland oo xildhibaan walba uu ka howlgalo degmada laga soo doortay.

Waxa uu hadalkiisii raaciyay “Dhuxul dabaan gacanta ku haynaa hal magaalaan is daba wareegeynaa Kismaayo la dhaho, oo intaasoo xaaladood naga heeysataa, markaa inaan dib uga baxno oo ay noqoto xildhibaanku inuu halkan baabuur kaga baxo oo tagi karo Dooloow, Luuq iyo baladxaawo tagi karayo, ama uu kaambooni, Badhaadhe iyo Kulbiyow tagi karayo, ama uu Jilib iyo Jamaame soo mari karayo oo baabuurna u qaadan karayo Insha’allah inaan midaas gaarno.”

Madaxweeynaha ayaa sheegay in howlgalkani yahay howlgalka Webiga Jubba, ayna iska kaashan doonaan dowladda Soomaaliya AMISOM iyo Beesha Caalamka, isagoo intaa ka horena xusay in ay sii socon doonaan howlgallada dhanka cirka ah ee lagu beegsanayo hogaamiyeyaasha Al-shabaab.

Maleeyshiyaadka Al-shabaab ayaa si buuxda gacanta ugu haya gobolka J/dhexe ayagoo sidoo kale ku sugan deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobollada J/hoose iyo Gedo, waxaana sidoo kale adag in lagu safro degmooyinka kale ee laga saaray.

Comments are closed