Bill Gates oo 100 000 oo digaag ah ugu deeqaya Afrika

bill gateAfrika (NN) 10/06/2016

Maalqabeenka caanka ah Bill Gates ayaa sheegay in uu wax ka qabanayo dhibaatada ba’an ee fakhriga ah ee ka taagan dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika. “Haddii aan ahaan lahaa fakhri haysta xoogaa lacag ah, waxaan dhaqan lahaa digaaga”, ayuu ku qorey Blog uu iska lee yahay Bill Gates.

Bill Gates ayaa sheegay in uu dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika ugu deeqi doono digaaga yaryar oo gaaraya 100 000 oo xabo.

-Dhaqsshada iyo xanaaneynta digaagu waa mid aan dhaqaale badan u baahneyn, isla markaana leh faa’iido badan oo ganacsi ayuu yiri Gates.

Sida ay sheegtey hay’adda Qaramada Midoobey qorshahan ayaa ah in 30% qoysaska ku nool dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika ay haystaan digaag la soo talaaley!, hadda waxaa haysta 5%.

 

Comments are closed