Ciidamada Itoobiya ee AMISOM oo looga Dilay Halgan 33 Askari lagana Dhaawacay 64-Askari

fmalHalgan (NN) 10/06/2016

Xaalada deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan ayaa xalay iyo maanta deggenayd, kaddib dagaal culus oo shalay ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab ku dhex-maray deegaankaas.

Tirada dhimashada labada dhinac ayaan weli xaqiiqo dhab ah loo hayn, balse gudoomiyaha deegaanka Halgan, Guhaad Cabdi Warsame ayaa VOA-da u sheegay in markii ay isku soo duubaan meydadka Al-shabaab ay kaga dileen ay Tiradoodu ka badan tahay 290 Ruux, Al-Shabaabna waxay sheegtay inay dileen in ka badan 60 askari oo badan kood Ethiopian ah.

Ilo xog ogaal ah oo ka madax banaan labada dhinac ayaa VOA u xaqiijiyay meydadka al-Shabaab oo ay indhahooda ku arkeen ay tiradooda gaareyso ilaa 110, gudaha Halgan iyo hareeraheeda.

VOA ayaa ogaatay in Baledweyne la gaarsiyay meydad ciidan Ethiopian ah oo gaaraya ilaa 33 Askari iyo dhaawaca in ku dhow 64 askari, Walow AMISOM iyo masuuliyiinta DFS ay ku Adkeysteen in khasaaraha ciidamada isgarabsanaya uu aad u yar yahay.

Dadka shacabka ah ee ku dhintay dagaalkii Halgan ayaa tiradoodu waxaa ay gaartay 9 qof iyo dhaawac 26 kale waxaana ku jira carruur.

SIdoo kale, Dhaqdhaqaaqa Ganaacsiga Halgan, ayaa maanta Caadi kusoo laabtay, inkastoo dadka shacabka ay bilaabeen in ay ka barakacaan Magaalada.

Ugu dambeyn, Ciidamada Itoobiya ayaa Maanta dhaqdhaqaaq ka billaabay dhanka galbeed ee Hiiraan inta u dhaxeysa Ceel-cali iyo Buq-Aqable. iyadoo Xaaladda deegaannadaas ay u muuqdaan kuwo kacsan, kaddib dagaalkii Halgan.

 

Comments are closed