DAAWO: Muuqaalkii u Horreeyay ee Deegaanka Halgan laga soo qaaday Kaddib Dagaalkii shalay

misonHalgan (NN) 10/06/2016

Muuqaalkii ugu horreeyay kaddib dagaal culus oo shalay subaxnimadii ka dhacay Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan oo Xoogag ka Tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaankaas.

Maamulka Dowladda Somalia iyo Saraakiisha Itoobiya ee Qeybta ka ah howlgalka Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM], ayaa u Ogolaaday Koox Wariyeyaal ah inay tagaan magaalada si halkaa ay idhahooda ugu soo arkaan khasaaraha ka dhashay dagaalka  oo sababay dhimasho baahsan.

Saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo kuwa maamulka Dowladda Somalia ayaa wariyayaasha tusay meydadka Dagaal-yahanno ka tirsanaa Al-shabaab oo meelo kala duwan lagu Dilay, Waxaana ka mid ahaa ragga la soo bandhigay shaqsi  u muuqday ajnabi oo la sheegay inuu ka bar bar dagaallamayay kooxda.

Meydadka oo Dhammaantood u muuqaal ekaa Dagaallamayaasha Al-shabaab ayaa intooda badan rasaastu kaga tiilay madaxa, halka qaar kalana laga toogtaylaabta.

Ma jirin khasaare badan  ama bur bur ka muqday xaafaddaha magaalada, balse guud ahaan marka aad eegto magaalada Waxaa si weyn laga dareemayay saameynta uu dagaalkaasi ku reebay deegaanka.

Dowladda Soomaaliya, Itoobiya iyo AMISOM ayaa isku khilaafay ka hadalka tirada saxda ah ee looga dilay Al-shabaab dagaalka, hase ahaatee muuqaalkan laga soo duubay goobihii lagu Dagaallamay ayaa muujiya in uu jiro khasaare baahsan oo gaaray xoogagga Weerarka soo qaaday.

Noocyada kala duwan ee hubka oo ay ka mid yihiin Gantaalada culus ee garabka laga gano iyo Agab kale sida Taleefoonnada Gacanta ee lagu xiriiro ayaa ka mid ahaa wax yaabaha la soo bandhigay ee la sheegay in laga furtay Al-shabaab.

Dhanka kale, Wali Ciidamada Waa kuwo ku jira Feejignaan dheeraad ah, waxaad arkeysan gadiidka dagaalka ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda oo Gaaf-wareegaya Xaafaddaha deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

 

Weerarka Deegaanka Halgan oo la mid ahaa  Weeraro kale oo horay uga dhacay Gobollada Shabeellada Hoose iyo Gedo, ayaa la oran karaa dhinaca kale wuxuu uga Duwanaa kuwaas hore khasaaraha kasoo gaaray Al-shabaab oo ahaa mid ka badan kuwii horay u soo Gaaray, lagana dilay tiro badan oo xoogag ah.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Weerarkaan uu ahaa mid horayba looga sii war hayay taasoo u sahashay ciidammada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Somalia inay ka Hor-tagaan.

Ugu danbeyntii, taliyaha Ciidanka Militariga Dowladda SOmalia ee Gobolka Hiiraan, Col Towane Axmed Gurey ayaa sheegay in ay Xaqijiyeen geerida 245 ka tirsan Xoogagga Al-shabaab, waxaana tirada marka la eego la oran karaa waa mid aad uga Geddisan Tiradii ay horay u soo saareen howlgalka midowgga africa AMISOM.

 

Comments are closed