Ciidanka Mareykanka ah ee ku Sugan Waddanka Afghanistan oo Awoodo Dheeraad ah la siiyay

mareykankaMareykanka (NN) 11/06/2016

 

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ansixiyay Awoodo Cusub oo la siinayo Ciidamada Mareykanka ee ku sugan waddanka Afgaanistaan, kuwaasoo dabcinaya Xadidaadyo horey uga saaraa duqeymaha dhinaca cirka – Awoodahaa oo ciidamada Mareykanka u fududeyn doona – sida ay ula Hawlgalayaan Ciidamada Dalka Afghanistan.

Hadalkaan, ayaa soo baxay, iyadoo Ciidamada Afghanistan ay dagaal kula jiraan – Kooxda Taalibaan, guulo ay gaarayaan kooxda xaqaani ee lagu xiriiryo Al-Qaacida iyo Ururka ISIS oo dadaal ugu jira inuu saldhigyo ku yeesho Afghanistan.

Madaxweyne, Barack Obama – ayaa ku dhawaad Siddeed Sano ka hor Markii uu Xukunka la wareegayay shaaciyay inuu soo af-jarayo dagaalka ciidanka Mareykanka ee Afghanistan iyo Ciraaq, balse ilaa iyo maanta colaadda iyo dagaalaada ka bilowday wadamadaas waxay ku fideen dalal kale sida Syria iyo Libya.

Sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Maamulkiisa, Madaxweynaha Mareykanka ayaa Awoodahan cusub ansixiyay, isagoo ku saleeyay wada tashiyo uu la yeeshay taliyeyaasha ciidamada Mareykanka iyo saraakiisha sir doonka.

 

Comments are closed