Dufcadii 11Aad Oo Ka Qalinjabisay Kuliyada Caafimaadka Jigjiga

20160612_015601JIGJIGA ( ESTV) 11/ 06/2016

Xaflad si meeqaamsare ah loo soo agaasimay oo ay ku qalinjabiyeen  dufcadii 11aad ee kuliyada caafimaadka jigjiga   xirfadlayaal caafimaadka  oo dhan 464 arday  ayaa ka dhacday madasha shirarka  Sayid MCX.

Xafladan  oo ahayd mid si qurux badan loo agaasimay   ayaa waxaa ka soo qaybgalay  masuuliyiin heer qaran iyo heer deegan oo ay ka mid yihiin wasiiru dawlaha wasaarada caafimaadka ee heer federal mudane Dr Amiin Amaan, madaxwayne ku xigeenka ahna Wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid haayir xasan, Wasiirka caafimaadka DDSI mudane cabdifataax siciid ,maareeyaha kuliyada caafimaadka mudane kamal cabdilaahi haybe, masuuliyii heer deegaan ah iyo waalidiinta,asxaabta aradayda qalinjabinaysay.

Xafladan  qalinjabinta ayaa ayaa waxaa ugu horayn ka hadlaymadaxwayne ku xigeenka ahna Wasiirka waxbarashada mudane Mawliid Haayir Xasan oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada xirfadlayaashan iyo baahida loo qabo taabo galinta yoolasha horumarinta siyaasada caafimaadka ee heer deegaan iyo heer qaranba gaar ahaana fidinta adeegyada caafimaadka ay u dhaarteen in bulshada deegaanka ugu fidiyan sidaacadnimo leh oo ay u hagarbaxaan bulshadooda sidii ay ugu fidinlahaayeen xirfadihii ay barteen.

dhinaca kale waxaa Isna ka hadlay Wasiirka caafimaadka DDSI  mudane Cabditataax  Siciid oo ugu horayntii u hanbalyeeyay ardaydan qalinjabiyayaasha isaga oo ka warbixiyay dadaalada xoogan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto kor u qaadida tirada iyo tayada cududa waxbaratay. Wuxuuna ku booriyay wasiirku in ay isbadal muuqda ka keenaan xoojinta adeegyada caafimaadka

dhankiisa waxaa ka hadlay maareeyaha kuliyada caafimaadka jigjiga mudane Kamaal Cabdilaahi Haybe  oo ka warbixiyay soonyaalka taariikheed ee kuliyada iyo ardayda ka qalin jabisay tan  iyo intii  kuliyada la aas aasay wuxuuna sheegay in ay maanta ka qalin jabiyeen arday dhan 464, oo bartay noocyada kala duwan ee culuunta caafimaadka ee ay ka mid yihiin,  pharmacy, clinical, mid-wifery laboratary iyo public nurse iyo  anesthesia  ugu danbaytii ayaa waxa uu sheegay maareeyuhu in ay kuliyada dadaal dheeriya ku jirto soo saarida cudud waxbarsho oo siwayn uga qayb qaadan doonta xaqiihinta iyo hirgalinta qorshay GTP2 iyo MDG.

Ugu danbayntii waxaa ka hadlay  wasiiru dawlada wasaarada caafimaadka  JDFI mudane Dr Amiir Amaan oo  ku booriyay ardayda qalinjabinayshay in ay isbedel Horumarineed ka keenaan hirgalinta qorshaha ee siyaasada caafimaadka dalka  ee qorshaha GTP2ga  islamarkaasna ka midhodhaliyaan dadaalkii ay  xukuumadu galisay Una adeegaan bulshadii ay wax u soo barteen.

Isku soo wada duub oo   xukuumada DDSI ayaa sanadihii u danbeeyay ku talaabsaday horumar baaxad leh oo dhinacyada waxbarashada nuucyadeeda kaladuwan taas oo soojiidatay indhaha caalamka gaar ahaan  wadamad aan  dariska nahay  waxayna awooday xukuumada DDSI in ay sanadihii ugu danbeeyay deeq waxbarasho siiso wadamada aan dariska nahay ee somaliland, putiland iyo  jubaland waxaanay xusid mudan in ay ardaydan maanta ka qalin jabisay kuliyada caafimaadka ee jigjiga ay ka mid ahaayeen  30 arday oo bartay  xirfadaha caafimaadka  kuwaasi oo ahaa ardayda deeqda waxbarasho ay siisay xukuumda DDSI kuwaasi oo ah arday   u dhasha somaliland iyo putiland.

Comments are closed