Wafdi kasocda DFI Kulan Wada-tashi Qurbajoogta Itoobiya ee ku dhaqan Asutralia

13396594_1763888937222149_2020619923_oAustralia (ESTV) 11/06/2016

Dalka Australia Ayaa waxaa ku sugan Wafdi ka socda Dalka Itoobiya iyo Heer ismaamul uu ka mid yahay Madaxweynaha dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Tigray Mudane Abay Woldu iyo Madaxweynaha Dawlad deegaanka Oromia Mudane Muktar Kedir.

Wafdigan ayaa la kulmay Masuuliyiinta ugu sareysa dalka Austaralia safa labada dal ay isku dhaafsadaan Aqoon-isweydaarsi dhanka Federalka taasoo in muda ah ay Kulmo Waaweyn la qaateen Masuuliyiinta Dalka Austaralia.

Masuuliyiinta ayaa waxey Shirweyne laqaadan doonaan Jaaliyadda Guud ee Qurbajoogta dalka itoobiya ku dhaqan Australia Maalinta Axada 12/06/2016 Shirkaasi ayaa ah shir caalami ah oo ay dhamaan jaaliyadda Guud ee Qurbajoogta Si Qalbi wanaagsan oo ay farxad ku dheehan tahay ay kaga Soo Qeybgali Doonaan Shirkan ayaa lagu Tilmaamay in uu yahay Shirkii ugu weynaa ee ka dhici doona Australia oo ay ka soo Qeybgalayaan Madaxda ismaamulka  dawlada deegaanada.

Jaaliyadda DDSI ayaa maalinta Isniinta ah 13/06/2016 ay Kulan Shirweyne ah uu Ka soo qeybgali Doona Madaxweynaha Dawlada Deegaanka somalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Shiraasi ayaa Noqon doona Shirweyne Caalami ah oo ay dhamaan jaaliyadda DDSI ee ku dhaqan dalka Austaralia ay kasoo Qeybgalayaan.

Ugu dambeyn, wixii faahfaahin ah Shiraraka waxaan dib ayaan idinka soo gudbin doonaa hadii alle ogalaado

 

Comments are closed