Madaxweynaha DDSI oo kulan la qaatay Jaaliyadda DDSI ee ku nool dalka Australia

20160613_142232Melbourne  (ESTV) 13/06/2016

Madaxweynaha Dawlada deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafdigii uu hogaaminayey oo maalmahaan booqasho ku joogay dalka Australia ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Dawlada deegaanka Somalida itoobiya Ee ku dhaqan Magaalada Melbourne.

20160613_142922Kulankaas oo ka dhacay hoolka Shirarka Caalamiga ee bartamaha magaalada Melbourne ayaa Waxaa ka soo Qeybgalay dhamaan Jaaliyadda DDSI Ee Magaalada Melbourne Ee Australia iyo Nawaaxigeeda mas’uuliyiinta ugu Sareysa Jaaliyadda DDSI Ee Australia iyo Waxgaradka dhalinyarada Haweenka iyo mas’uuliyiin kale.

20160613_142938Inta aysan hoolka soo galin madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaas heeso wadani iyo guubaabo ah halkaas laga soo jiidiyay Iyo Heesta Calanka DDSI.

20160613_142956Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa khudbad dheer ka jeediyay xafladda furitaanka wuxuu sheegay madaxweynuhu Jaaliyadda DDSI Ee Australia in dalka ay maal-gashi xoogan ku sameysteen, 5tii sano ee lasoo dhaafay waana inaad ahaataan mar walba kuwo si wadajir ah wax u qabsada,” ayuu madaxweynuhu ku yiri jaaliyadda.

20160613_142843Isagoo sii hadlaya ayaa yiri: “Sharafta iyo karaamada aad u soo hoyseen shacabka dawlada deegaanka Somalida itoobiya waxaa Marqaati ka ah Sida Quruxda Badan aad Maanta Shirka Aad uga Soo Qeybgasheen ” ayuu madaxweynuhu ku yiri jaaliyaddii uu la kulmay Maanta.

FB_IMG_1465824061278Madaxweynaha DDSi Ayaa Soo Bandhigay Waxqabadka dawlada deegaanka Somalida itoobiya 3dii Sano ee Lasoo Dhaafay iyada oo Natiijo Wanaagsan Laga Gaadhay Natiijooyin fiican oo waxku ool ah.

20160613_143038Intaa kaddib waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha Jaaliyadda DDSI Ee Australia Umalkheyr Dalmar dhamaan Jaaliyadda DDSI Ee Australia uga Mahadcelisay Sida Quruxda Badan ay Shirka uga Soo Qeybgaleen iyo Gudigii Qaban Qaabada

FB_IMG_1465824058521Ugu danbeyn, waxaa shirka soo xirtay, Guddoomiyaha Jaaliyadda DDSI Ee Waqooyiga America Mudane Maxamed Shukri (Sangaab) uga Mahad Celiyay Gudiga Jaaliyadda

20160613_14290620160613_14301320160613_15253120160613_152552

20160613_152704

Comments are closed