Cumar Cabdirashiid: Musharax in aan ahay iyo in kale dhawaan ayaan sheegi doonaa

rMuqdisho (NN) 14/06/2016

Raysalwasaaraha Jamhuuriyadda federaaliga ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashid Sharmaarke oo booqasho ku jooga dalka Maraykanka ayaa waraysi uu siiyey VOA kaga hadley in uu musharax yahay sanadkan 2016 iyo in kale.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegey in uu aaminsan yahay in doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanku xiligeedi ku dhacayso, wixii anaga naloo ka baahnaa waan sameyney, Guddiyadii heer federaal iyo heer gobol waa diyaar, waxaana dhawaan u furmi doona tababaro ayuu yiri Raysalwasaaruhu.

Sharmarke ayaa sheegay in shirka Baydhabo ee todobaadka danbe lagu dhamaystiraayo liiska odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya Ergooyinka wax dooranaya, isla markaana lagu qeexi doono sida amniga loo sugaayo xilliga doorashada.

Weriyaha VOA ayaa si toos ah u weydiisey Cumar Cabdirashiid in uu doonayo in uu tartamo xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku jawaabey hadda xil ayaan hayaa laakiin dhawaan ayaa la kala ogaan in aan musharax ahay iyo in kale, waxaana hadalkiisa laga fasiran karey in uu doonayo in uu u tartamo xilka Madaxweynaha, inkasta oo uu weli yahay Raysalwasaaraha Xukuumadda.

Waxaa la is weydiinayaa sida ay noqoneysa haddii uu go’aansado in uu tartamo ma iska casilayaa xilka raysalwasaaraha.

Comments are closed