Frankfurt Germany Xaflada Xuska 25aad Ee 20-Ka Ginbood Oo Siweyn Looga Xusay Mas’uuliyiin DFI oo Kasoo Qeybgalay

20160614_124011Frankfurt  (ESTV) 14/06/2016

Wasiirka Xiriirka Isgaarsiinta Xukuumadda Mudane Getachew Reda iyo Wasiirka wasaarada Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada Itoobiya Mudane Abdulfatah Abdulahi ayaa ka Qeybgalay Xaflad Siweyn loo soo Agaasimay Xuska 25-Guuradii 29ka Ginbood oo lagu Qabtay Magaalada Frankfurt ee Dalka Germany.

Xafladda ayaa soo agaasimay Masuuliyiin Safaarada Itoobiya ee Germany Waxaa ka soo Qeybgalay dhamaan Jaaliyadaha Reer Itoobiya ee nool dalka Germany oo ay ugu horreeyaan Jaaliyadda Dawlada deegaanka Somalida itoobiya uu hogaaminayo Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSI Mudane Cabdi Rashiid Shariif.

20160614_133048Wasiirka Xiriirka Isgaarsiinta Xukuumadda Itoobiya Mudane Getachew Reda ayaa Jaaliyadda Dawlada deegaanka Somalida itoobiya ku Ammaanay in ay yihiin jaaliyad laf-dhabar u ah jiritaanka Arrimaha diplomacy ee Itoobiya taasoo ay suurta galiyeen in ay Siweyn uga Qeyb qaateen dhanka biyo-xidheenka weyn ee Abay iyo dhanka Wacyogalinta Nabadgalyada Horumarka Iyo Maamulka Suuban.

20160614_133259Intaa kaddib waxaa halkaas ka hadlay Wasiirka wasaarada Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada Itoobiya Mudane Abdulfatah Abdulahi oo Jaaliyadda ku booriyey in dalka ay maal-gashi xoogan ku sameystaan Jaaliyadda taaso Fursadaha ka jira ay ka faa’iideystaan.

Wasiirka Xiriirka Isgaarsiinta Xukuumadda Mudane Getachew Reda ayaa ka warbixiyay Taariikhdii 20ka Ginbood iyo Xaaladaha Guud ee dalka Itoobiya iyo sida xawliga ah ee dhaqaalaha dalka u kobcaya taasoo uu ku tilmaamay in ay tahay nitiijo wax ku ool ah oo dhamaan Mas’uuliinta ay Siweyn markasta u farxad galiso.

Ugu dambeyntii. Jaaliyadda DDSI Ee Germany ayaa ka mid ah Jaaliyadda sida weyn uga dhaxmuuqda Xafladaha heer qaran ee Itoobiya ee ka dhaca dalka Germany.

Comments are closed