Safiirka Dalka Itoobiya UFadhiya Australia Oo Amaanay Qurba-Joogta DDSI Ee Australia

Screenshot_20160615-080506Australia  (ESTV) 14/06/2016

Safiirka dalka itoobiya u fadhiya wadanka australia  marwo Tiru Kendamariam ayaa aad iyo aad u amaantay Qurbajoogta kasoojeeda DDSI ee kusugan Wadanka Australia sida ay umuujiyeen geesinimadii iyo kago’naanshihii ay kuqabteen shirkoodii oo isla Maalinimadii ay safaarudu sheegtay inuu dhici doono uqabsoomay si aad iyo aad u saraysa oo meeqaam Sare leh.

ti3Safiirka ayaa sheegay inay arintani ay dhabar-jab aad u wayn ku ahayd UBBO gaar ahaan hogaamintoodii Dad cunka ahaa ee shacabka dhiigiisa kaganacsan jiray. Waxayna safiirku xaqiijisay in shirkani uu Muujiyay ka go’naanshaha iyo firfircoonida shaqo ee ay soomaalidu leedahay islamarkaana waxay Safiirku xustay inay kahor intaysan imaanin Australia ay soo martay DDSI iyadoo gaar ahaan xarunta Deegaanka ee magaalada jigjiga iyo gobolada kale ee deegaankaba kusoo aragtay inuu kajiro horumar Aad u balaadhan oo dhan walba ah.

ti5Sidaa darteed waxay ambassador Ttiru kuboorisay dadka soomaalida ah in looga baahan yahay inay sii Laba jibaaraan horumarka iyo maalgashiga laxaadka leh ee ay kabilaabeen DDSI.

Ugudanbayna waxay safiirku sheegtay inay ku faraxsantahay siduu shirku u dhacay. Waxayna  Hadalkeedii kusoo xidhay in lasii xoojiyo gadashada boondhiga wabiga Abay

ti6

Comments are closed