Suldaamo Kahadlay Xaqiiqada Dhacdadii Gaashaamo

20160615_080344Jigjiga  ( ESTV) 14/06/2016

Dhacdadii dhawaantan kadhacday degmada gaashaamo ee gobolka jarar ayaa waxaa sidii ay wax udhaceen oo dhab ah uga hadlay suldaan maxamed iyo suldaan maxamed xasan qani. Waxayna  labada suldaan u hadleen sidii ay xaqiiqadu ahayd iyagoo markii ay hadlayeena sheegay in reer gaashaamo ay yihiin dad reer DDSI ah oo ay arintooduna utaalo xukuumada DDSI .

Waxaa kale oo ay suldaamadu si dhab ah ugu sheegeen dadkii sida khaldan  ugu isticmaalayay dhacdadan xasuuq  inaysan xasuuq ahayn ee ay tahay dhacdo si kama ah u dhacday oo ay khaladkeeda lahaayeen dadkii weerarka kuqaaday ciidanka iyagoo erayga xasuuq ku sheegay inuu kajiro falistiin balse aan dhacdadan lagu tilmaami Karin xasuuq.

Waxayna suldaamadu ku booriyeen dadka xumaha wada inay arintan faraha kala baxaan oo ay nabadgalyada kala shaqeeyaan bulshooyinka walaalaha ah ee daris wanaagu ka dhaxeeyo.

Sikastaba ha ahaatee waxaa jira dad culimo isku sheegaya oo sheer kulahaa gawaadhida kontrobaanka ah ee laqabtay ee ay fidinadu ka dhacday oo si-xun bulshada ugu turjumaya arinta gaashaamo.

Comments are closed