Daawo Furitaankii Shaybaarka Xoolaha laga dhoofiyo Dekada magaalada Muqdisho Video

saydiMuqdisho (NN) 15/06/2016

Waxaa markii ugu horeysay magaalaada Muqdisho laga furay xarun shaybaar ah oo lagu baari doono xoolaha nool ee laga dhoofiyo magaalada Muqdisho.

Xafladii furitaanka oo uu ka hadlay Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Soomaaliya Siciid Xusen Ciid ayaa sheegay inay tahay bilow wanaagsan ee dib usoo nooleynta doorkii shaybaarkii weynaa ee uu lahaan jiray dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo kulanka furitaanka ka qeyb galay ayaa sheegay in horey dalal badan oo caalamka ka cabsi qabay xoolaha laga dhoofiyo Soomaaliya ee aan soo marin baaritaan caafimaad, balse arrintaasi ay hada rajeenayaan inay meesha ka baxdo.

Xoolaha nool ee Soomaalida ayaa horey intooda badan looga dhoofin jiray dekadaha Berbera iyo Bosaaso, goobahaasi oo horey looga furay maxjaro leh shaybaaro lagu baaro caafimaadka xoolaha. Waxaana hada sare usii kacaya tirada xoolaha nool ee laga dhoofiyo dekada Magaalada Muqdisho.

Xarunta-shaybaarka-xoolaha-xamar

 


Comments are closed