Madaafiic habeenkii xalay lagu soo tuurey xaafado ka mid ah Muqdisho

dishoMuqdisho (NN) 15/06/2016

Habeenimadii xalay ayaa madaafiic dhawr ah ay ku soo dhaceen qaar ka mid ah xaafadaha degmooyinka Muqdisho. Madaafiicda ayaa xaafadaha ku dhacdey wax yar ka hor Salaadii Taraawiixda ee bisha Ramadaan.

Xaafadaha madaafiicdu ku dhaceen waxaa ka mid ah Wardhiigley, Hawlwadaag iyo Hodan.

Dadka xaafadaha madaafiicdu ku soo dhaceen ayaa sheegay in ay u kala carareen guryaha shubka ah si ay uga magan galaan haddii madaafiic kale soo dhacdo.

Madaafiicda oo laga soo tuurey qoriga Hoobiyaha ayaan la sheegin wax khasaaro ah oo ay geysteen, waxaana la aaminsan yahay in laga so tuurey gaari baxsadey, kuwaas oo la seegay bartilmaameedkoodi.

Degmada Wardhiigley ayaa ka mid ah meelaha madaafiicda habowga ah ku dhacaan maadaama ay kaabiga ku hayso Madaxtooyada.

Madaafiicdan ayaa ku soo beegmeysa wax yar kadib markii xilka laga qaadey taliyihii ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka lana magacaabey mid kumeel gaar ah.

Laamaha amniga ee gobolka banaadir ayaan weli ka hadlin madaafiicda xalay laga maqlaayey qaybo ka mid ah xaafadaha Muqdisho.

Comments are closed