Daawo USA: Xaaska Ninkii geystay weerarkii Orlando oo uu baaritaan ku socdo – VIDEO

maOrlando (NN) 15/06/2016

Hay’ada Danbi baarista ee FBI ayaa la sheegay inay baaritaan ku wado Xaaska ninkii geystay weerarkii ka dhacay Club ku yaal magaalada Orlando ee lagu dilay 49 qof.

Noor Salman ayaa la sheegay inay wax ka ogeyd weerarka uu ninkeeda la damacsanaa xaruntaasi, isla markaana ay la socotay markuu soo iibsanayey hubka iyo rasaasta uu weerarka ku fuliyey.

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegaya in dacwada lagu soo oogi doono xaaska ninkan walow ay hay’ada FBI-da sheegtay in haweenaydan ay la shaqeenayso baaritaanka hada socda.

Noor Salman ayaa sidoo kale sheegtay inay isku dayday inay ka dhaadhiciso ninkeeda inuusan falkan geysan kahor intuusan weerarka qaadin, arrintaasi oo keentay shaki horleh.

Comments are closed