C/WELI GAAS: Doorashada dhacaysa Sanadkan 2016 waa in aanay dhaafin xilligii la Qorsheeyay

aasGaroowe (NN) 16/06/2016

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali [Gaas], ayaa ugu baaqay Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Somalia inaan la dhaafin waqtigooda Doorashooyinka lagu wado inay Sannadkaan 2016-ka  dalka ka dhacaan.

Gaas – ayaa sidoo kale madaxda Dowladda Somalia ugu baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay u kaashadaan sidii Waddanka ay doorasho uga dhici lahayd xilligii loogu talogalay inay doorashadu dhacdo.

“Soomaaliya waxay xilligan u baahan tahay isbedello siyaasadeed iyo maamul oo Dalka ka dhaca, Isla marakana Shacabka Soomaaliyeed ay Helaan Xukuumad Wanaagsan oo wax ka qaban karta xaaladaha haatan uu dalku ku ku jiro,” ayuu yiri C/weli Gaas.

Madaxweyne Gaas, ayaa Sheegay in Dowladda hadda jirta ay Dalka soo Gaarsiisay Meel Wanaagsan, lagana doonayo Dowladda Cusub ee imaan doonta inay halkaas ka sii waddo hawsha, si dalka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Ugu dambeyn, Sannadkan 2016-ka ayaa la filayaa in Somalia ay ka dhacaan Doorashooyin ku sameysan 4.5-ka, kuwaasoo lagu soo xulan doono xildhibaanada aqallada hoose iyo sare ee baarlmaaanka, kuwaasoo dooran doona madaxweynaha cusub ee dalka.

 

Comments are closed