Sydney Australia Xaflad lagu Soo dhaweyn Madaxweynaha DDS oo Siweyn loo Soo Agaasimay

13472229_1765902290354147_125391706_nSydeny (ESTV) 16/06/2016

Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida Ee Itoobiya, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Iyo Wafdigii Uu Hogaaminayey Oo Maalmahaan Booqasho Ku Joogay Dalka Australia Ayaa Kulan La Qaatay Jaaliyadda Dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya Ee Ku Dhaqan Caasimada Dalka Australia ee Magaalada Sedney.

received_10154287985691663Kulankaas Oo Ka Dhacay ka soo horjeedka Guriga Xafada uu degan yahay Maxamed ismaaciil  Xafladan Ayaa Waxaa Ka Soo Qeybgalay Dhamaan Jaaliyadda DDSI Ee Magaalada Sydney Iyo Nawaaxigeeda Mas’uuliyiinta Ugu Sareysa Jaaliyadda DDSI Ee Australia Iyo Waxgaradka Dhalinyarada Haweenka Iyo Mas’uuliyiin Kale ayaa kasoo Qeybgalay.

 

FB_IMG_1466101741827Inta Aysan Hoolka Soo Galin Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar Iyo Wafdigiisa Ayaa Waxaa Halkaas Heeso Wadani Iyo Guubaabo Ah Halkaas Laga Soo Jiidiyay Iyo Heesta Calanka DDSI.

FB_IMG_1466097720646Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Ayaa Khudbad Dheer Ka Jeediyay Xafladda Furitaanka Wuxuu Sheegay Ayaa Madaxweynuhu Jaaliyadda DDSI Ee Australia

Madaxweynaha DDSi Ayaa Soo Bandhigay Waxqabadka Dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya 5tii  Sano Ee Lasoo Dhaafay Iyada Oo Natiijo Wanaagsan Laga Gaadhay dhanka Caafimaadka & Biyaha & waxbarashada madaxweynaha DDSI ayaa aad  uga Warbixiyay Xaalada Guud ee deegaanka.

FB_IMG_1466101785613Intaa Kaddib Waxaa Halkaas Ka Hadlay Gudoomiye Kuxigeenka Jaaliyadda DDSI Ee Australia Sheekh Xasan Dhamaan Jaaliyadda DDSI Ee Australia Uga Mahadcelisay Sida Quruxda Badan Ay Shirka Uga Soo Qeybgaleen Iyo Gudigii Qaban Qaabada Jaaliyadda DDSI ee Australia.

Ugu Danbeyn, Waxaa Shirka Soo Xirtay, Guddoomiyaha Jaaliyadda DDSI Ee Waqooyiga America Mudane Maxamed Shukri (Sangaab) Uga Mahad Celiyay Gudiga Jaaliyadda DDSI Australia Sida Quruxda Badan ay u soo Dhaweeyeen Madaxweynaha DDSI Shirkaasi ayaa ku dhamaaday Guul iyo Farxad.

 

Comments are closed