Xadka u Dhexeeya Mandheera iyo Balad Xaawo oo Saaka Xiran

eledxawaBalad-xaawo (NN) 16/06/2016

Dawlada Kenya ayaa xidhay xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaan xadka u dhexeeya labada magaalo ee mataanaha ah ee Mandheera oo dhanka Kenya ah iyo Balad Xaawo oo dhanka Soomaaliya ah.

Labadaa magaalo oo la dhihi karo waa ay isku milmeen ayadoo wax u dhexeeya oo dhul ah uusan jirin irid laisaga gudbo maahee ayaa hadana waxaa dawlada Kenya ay dhankeeda soo dhoobtay askar sida uu warbaahinta u sheegay maamulka Balad Xaawo Soomaaliya.

Balad Xaawo ayaa caadiyan waxaa arday badan oo daggan ay wax ka bartaan ama ka diiwaan gashan yihiin iskoolada magaalada Mandheera.

Ardaydaas ayaa tiradooda lagu qiyaasaa ugu yaraan 4 kun.

Haatan oo xadku uu xiran yahay ayaa waxaan usuurta galayn ardaydaas inay wax barasho u tagaan Mandheera oo ay awal subax waliba ku kalihi jireen.

Intaa wax ka badan ayaa labada magaalo isaga darsan ayadoo weliba dhanka Balad Xaawo ay raashinka intiisa badan ay isticmaalaan reer Mandheera ay halkaas u soo doontaan ayadoo la ogsoon yahay in Soomaaliya dakado badan oo si sahlan wax looga soo dajiyo ay leedahay.

Raashinka laga soo dajiyo dekadaha Soomaaliya gaar ahaan dakada Xamar ayaa marka loo wado Kenya waxaa lasoo mariyaa Balad Xaawo halkaas oo bakhaaro waaweyn ay ku yaalaan oo raashinka lagu hakiyo ka hor inta aan loo gudbin Mandheera.

Sidaa daraadeed, waxaa la dhihi karaa Balad Xaawo waa dakad qalalan (dry port) oo lasii mariyo alaabada loo soo wado Kenya.

Raashinka dadka reer Mandheera uga yimaada dhanka Soomaaliya ayaa hadaba waxaa ka mid ah sonkorta iyo weliba bagaashka noocyadiisa kala duwan.

 

Comments are closed