Ciidamada Bada ee Holland oo boqolaal tahriibayaal ah soo badbaadiyey

hollandHolland (NN) 17/06/2016

Markabka dagaalka ee laga leeyahay wadanka Holland (Ms. Van Amstel) ayaa bada u dhaxeysa dalalka Masar iyo Talyaaniga kasoo badbaadiyey boqolaal tahriibayaal ah oo ay doooni la degtay.

 

Ciidamada bada ee Holland ayaa ka qeyb qaadanaya hawlgalka Midowga Yurub ee loogu magacdaray Frontex ee illaalinta bada u dhaxeysa Afrika iyo Yurub.

Tahriibayaal gaaraya 440 ayaa la sheegay in labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay doonyo bada kula degeen, dadkaasi tahriibayaasha ah ayaa lagu wadaa in maanta la geeyo jasiirada Siciliy ee wadankaasi Talyaaniga.

Comments are closed