DAAWO Leeds Xubin Baarlamaanka UK oo lagu dilay Shaleyto

Screenshot_20160617-060825Leeds (NN) 17/06/2016

 

Booliska Ingiriiska ayaa baadhaya ujeedadii ka dambaysay dilka xildhibaan Jo Cox.

Xilibaankan ayaa ka tirsanayd xisbiga mucaaradka ah ee Labour-ka.

Gabdhan oo khamiistii lagu toogtay hadana la tooriyeeyay gobolka West Yorkshire.

Xilibaanada markii la dilayay waxay kulan la lahayd qaar ka mida dadka soo doortay.

Dilkan ayaa ka nixiyay qaranka Britain dhan. Waxa la hakiyay ololihii loogu jiray aftida dhici doonta.

Dalka Britain waxaa laga qaban doonaa afti to dobaadka dambe.

Qof goob joog ahaa ayaa sheegay in ninka weerarka qaaday ku qaylinayay “Britian baa kow ah”

Nin laba iyo konton jir ah oo dilkan lagu eedayno ayay booliisku xidheen.
Xigasho bbcsomali

Comments are closed