Daawo Obama oo booqday goobtii uu ka dhacay Xasuuqii magaalada Orlando – VIDEO

orlandoMareykanka (NN) 17/06/2016

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo kuxigeenkiisa Joe Biden ayaa khamiistii booqday goobtii uu ka dhacay xasuuqii magaalada Orlando ee gobalka Florida.

Obama iyo Biden oo ubax dhigay Qabuuraha lagu aasay qaar kamid ah dadkii ku dhintay weerarkaasi.

Madaxweyne Obama ayaa khudbad uu halkaasi kasoo jeediyey uga hadlay dhibaatada shacabka Maraykanka ka heysata hubka faraha badan ee dalkaasi lagu iibiyo.

Barack Obama ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay Orlando uu ahaa mid argagaxiso, balse weerarada noocaan ah aysan ku cusbeyn wadankaasi Maraykanka, isagoo sheegay in hubka shacabka laga iibiyo uu yahay khatarta ugu weyn ee u fududeenaysa shaqiyaadka xanuunsan inay xasuuq noocaan ah geysan karaan.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa ugu baaqay xisbiga mucaaridka ah ee Jamhuuriga oo inta badan kasoo horjeeda in wax xakameyn ah lagu sameeyo ganacsiga hubka ee dalkaasi, inay ka fekeraan dhibaatada shacabka soo gaareysa oo ay meel iska dhigaan diidmadooda ku aadan xakameyn hubka shacabka laga gado.

Comments are closed