France: Maxkamada oo xabsi iyo Tarxiil ku xukuntay Taageerayaasha Kooxda Ruushka

farceFrance (NN) 17/06/2016

Maxkamada dalka France ayaa xukuno kala duwan ku riday taageerayaashii kooxdii Ruushka ee loo xiray rabshadihii ay ka sameeyeen magaalada Marseille sabtidii lasoo dhaafay, xiligii ay socotay ciyaartii Eurocup ee dhexmartay England iyo Russia.

France-Taageerayaal-Ruush1

Sadex kamid ah taageerayaasha ayaa lagu xukumay xabsi 1 illaa 2 sano ah, waxaa sidoo kale dalka laga tarxiilay 20 kamid ah taageerayaasha Ruushka oo uu ku jiro hogaamiyahoodii.

Dhinaca kale 20 kamid ah taageerayaasha Ruushka ayaa xoriyadooda dib u helay kadib markii ay maxkamada siideysay.

Ragga xabsiyada lagu xukumay ayaa iyaga lagu eedeeyey inay si ulla kac ah dhaawacyo usoo gaarsiiyeen dad rayid ah.

Dowlada Ruushka ayaa Arbacadii lasoo dhaafay walaac ka muujisay muwaadiniinteeda lagu xiray wadanka France. Wasiirka Arrimaha Dibada Sergey Lavrov ayaa ku eedeeyey dowlada France inay jabisay sharuucdii caalamiga ah ee Vienna oo aysan lasoo socodsiin tirada iyo magacyada muwaadiniintooda lagu xiray rabshadihii ka dhacay ciyaaraha EUROCUP.


Comments are closed