UK: Nin hubeysan oo dilay xildhibaanad Caan ahayd

ukLeeds (NN) 17/06/2016

Waxaa Khamiistii gelinkii danbe uu nin hubeysan weerar ku qaaday haweenay kamid ah xildhibaanada xisbiga Shaqaalaha (Labour Party) ee dalkaasi Ingiriiska.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Birstall ee duleedka magaalada Leeds ee gobalka (West Yorkshire) oo laga soo dooran jiray xildhibaanadan oo lagu magacaabo JO COX oo iyadu sanadkii hore ku biirtay Baarlamaanka UK.

JO COX ayaa kamid ahayd xildhibaanada sida weyn ugu ololeenayey in Britain aysan ka bixin Midowga Yurub Aftida lagu wado in ay dalkaasi ka dhacdo todobaadka soo socda.

Booliiska ayaa gacanta ku dhigay ninka dilka geystay oo watay mindi iyo bistoolad, waxaana la sheegay in xildhibaanada goor danbe u dhimatay dhaawaca uu u geystay ninkan.

Waxaa sidoo kale jira nin kale oo la sheegay inuu asal ahaan kasoo jeeda Pakistan ama India oo uu dhaawac fudud kasoo gaaray weerarkan, kadib markii uu isku dayey inuu difaaco xildhibaanada la weeraray.

Gacan ku dhiiglaha ayaa la sheegay inuu yahay 52 sano jir cadaan ah, waxaana gacanta ku dhigay booliiska.

Booliiska ayaan weli xaqiijin sababta ka danbeysa weerarkan, balse waxaa laga shakisan yahay in ninka weerarka geystay uu kamid yahay kooxaha dalkaasi Ingiriiska ee cunsuriyiinta ah oo aadka ugu ololeenaya in dalkaasi ka baxo Midowga Yurub.

Jo-Cox-0

 

Raysalwasaaraha UK David Cameron iyo dhamaan siyaasiyiinta wadanka UK iyo dalalka Midowga Yurub ayaa ka hadlay dilkan naxdintaleh.

.

The death of Jo Cox is a tragedy. She was a committed and caring MP. My thoughts are with her husband Brendan and her two young children.

Xildhibaanada la dilay oo kamid ahayd kuwa ugu da’ada yar ee Baarlamaanka Ingiriiska ayaa ahayd 41 sano jir si weyn ugu ololeeyn jirtay sidoo kale in dalkaasi lagu soo dhaweeyo dadka soogalootiga ama qaxootiga ah.

Haweenaydan ayaa horey uga soo shaqeyn jirtay hay’ada gargaarka ee OXFAM isla markaana kasoo shaqeysay dalal kale duwan ee Qaarada Afrika, gaar ahaan dalalka Sudan iyo Congo.

Kadib weerarkii khamiistii ayey dhamaan xisbiyada dalka UK ku dhawaaqeen inay joojiyeen ololihii ay wadeen ee aftida soo socota.

Comments are closed