DAAWO Doorashada USA: Nin hubeysan oo lagu qabtay goob uu khudbad ka jeedin lahaa Trump – VIDEO

TEXASTEXAS (NN) 18/06/2016

Booliiska gobalka Texas ayaa xiray nin madow oo hubeysan oo doonayey inuu galo goob uu khudbad ka jeedin lahaa Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Jamhuuriga Maraykanka Donald Trump.

Isu soo baxa lagu taageerayey Trump ayaa ka dhacayey hotel Marriott oo ku yaal magaalada The Woodlands oo ah magaalo yar oo ku taal duleedka magaalada Houston ee gobalka Texas.

Illaa iyo hada macada in ninkan hubeysan uu kamid ahaa taageerayaasha Trump ama dadka sida weyn uga soo horjeeda, walow inta badan shacabka Madowga Maraykanka aysan taageersaneyn Donald Trump.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay xiisadi ka taagan tahay hadalada qalafsan ee lidka ku ah Islaamka ee uu adeegsanayo murashaxa xisbiga Jamhuuriga oo todobaadkii tagay bilaabay inuu ka faa’iideysto weerarkii ka dhacay Orlando, isagoo markale ku baaqay in dalka Maraykanka laga mamnuuco dadka muslimiinta ah.

Dhinaca kale shaqaalaha ka shaqeeya Hotelka uu ka dhacayey kulankaasi ayaa sheegay in loo soo dirayey maalmihii lasoo dhaafay telefono hanjabaad ah, taasi oo keentay in si weyn loo sii adkeeyo amaanka goobtaasi.

Comments are closed